Tiir Sibira Maskaxdiisu kay, Turuf u soo deysay, 20-04-2016
Madax adayg:

Dhagax taabashiyo waxa u siman, Tuujin iyo Feere,
Tiir sibira maskaxdiisu kay, Turuf u soo deysay,

Tubta toosan oo adi Tawaab, Tooska kugu beegay,
hadduu Talo wadaag kaad tihiin, diido taladaada,
Qoom Tiih qabuu Eebbahey, kugu taqraaraaye, 

oo inaad Takoor qabe tahaa, Tuhunku sheegaaye,
oo Dulumka tiirkaas dhigaa, lagula tuuraaye,
Ruux taasi sababeen haddana, Tawba oran doonin,  
Tunka kiisa Boolida ku sida, Tacab agoomeeda,
xaaraanna talawsanahayoo, sii tafaalinaya,
oo inuu tabaalaha miskiin, tebiyo uun dooni,
cilmul qayb tawaabkeyna aan, Tawbo ugu oollin,
Rabbi tuurta kaa jebi muxuu, Taawila abuuray !   

intuu miyirku taam yuhuu middaa, weli ma taaweysay? ------
intuu miyirku taam yuhuu middaa, maysla tirtirisay?  -----

Maskaxdiisa tiir sibira ee, turufka loo daayey,
oo inad tarriiqdiyo inaad, tosho awoodaynin,
oon tacaddi deynayn marnaba, kugu taraaraaya,
oo haddana Tabaha uu dhigaa, tuurta kaa jebini,
oo haddana tacaddiguu dhigaba, kugu tallaalaaya,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk