Taliyoo maxaa daawo leh, 20-05-2005
Indhahaasi laga tuur Qabiil, Ruux la talalaaya,
Xiddigahan tirshaa kugu yiree, Taay u soo gashaday,
ee orod bal soo tiri la yiri, soona tiri waayey,
oo Taag umaan hayo oreyn, taana laga quustay,
oo Muran la soo taagan iyo, toosiyaa aniya,
oo Qabyaalad taageersan iyo, Tuugo fara-gooya, 
oo Taagga iyo Tiirka iyo, Teedka kula jooga,
oon Tawaanu marna kaa wedeyn, kuguna soo taagan,
waa Tafaal ibliis kuu dhigoo, tuurta kuu surane,
Soomalaay Tallaahaan Ilaah, dhaarti toyanaahe,
haddii kaadi nugu tiifanyahoo, nagu taqraarnaaday,
taliyoo maxaa Daawa loo, toos inoo wadaya?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk