Tabar ma aan haayo, 30-05-2015
Maansadan Tabar ma aan haayo, oo soo baxday 30-05-2015, waxay ku timid Maahmaahda soomaaliyeed ee oranaysa Oday doqoniyo Marti deeq daran midna lama arag, iyo weliba Maanso abwaan hore tiriyey oo uu ku cataabayey, wixii uu ordi jirey, oo uu Geed dheer ka boodi jirey, inuu maanta socodkiiba ku adagyahay, waana tan maansadii:

Beriguu Tusaalaha Abwaan, yiri Tiraabtiisi,
Tabar oo dhammaatiyo Hawoo, Toban jirkeediiya,
Waayaha ayaa taabtay oo, Tababbar siiyeene,
oo laylka uga talaliyee, Dhaanto tumi mayne,

Nin kaloy tabtaa qabatay oo, Murugo tiicaaya,
isagoo Shallaay toyanayuu, yiri Tiraabtiisi,
berigaan Turqiyo Tabarta hayey, Talo ma aan haynin,
haatanon Taladi aan hayana, Tabar ma aan haayo,

Alla tani Adduunyow maxaad, Niman tasoobeysey,
waxa taa Tusaalaw ahood, Taa ku garataana,
Toddobaatan Ruux jira Duqnimo, taagsan kari waayey, 
oo weli Tallaabadu ku tahay, Buur ku tagagayso,
+
Xaawaleyda Toban jirro ayuu, Taba shukaanshaaye,
misna Tabar ayuu tebahayaa,  Murugo taahaaye,
isla hadal Tawaawaca markuu, Tubaha qaadaayo,
Ta'da xarafka oon cidi maqlayn, yiri Tiraabtiisi,

Allow yaa dib ii tebiya oo, Toban jir ii tuura,
Tabbat iyo markii aan Khaddii, Loox ku tiranaayey,
yaa Carruurka taabtiyo markii, Tookh la oranaayey,
Curdankiyo Tallaalkeygi hore, Taabba galankeygi,
Taasaan rabee Saakay yaa, Tuurmo igu geeya?

Berigaan is tooxtooxi jirey, Cida tatoomaayey,
ee Ruuxi Taag iga arkaa, iga tiqlaynaayey,
Shaabnimada taamkaana aan, Toonka ugu haystey,
Tol beelayey yaa haddeer, Tuurmo igu geeya?
way e way, ee yaa halkaa ii tebiya oo, iguna taageera?

Kuwan Banooni wada toogan jirray, Tuurmadiyo laadka,
Toogada markaan leeyahana, Teneg ku yeeraayey,
een wada tatoomeyn jiroo, tayda laga quustay,
waan tilmaansadee yaa haddeer, Tiimki igu biirsha?

Beryahaan tartami jiraye aan, Orod ku tookhaayey,
oon tin layga jari jirine, Turuf ku dhaafaayey,

Tartankaan Ulxaar dhigan jirniyo, Timir ka boodkaygi,
Legdankaan Tafaha qaban jireen, Tibix ka siinaayey,
Tafantaaf intaan ugu dhegoon, Gudub u soo tuuro,
Tagoogaha intaan jebiyo baan, Tuurta goyn jiraye,
Taariikhdi yaa soo ceshoo, Taa i tusa maanta?

Tabiinkuu dagaal tuursamee, Tacaddi lay geysto,
Tummaatida intaan ula tagoon, Waran ku taabbeeyo,
ama aan Ul weyn tiigsadaan, toorriyeyn jiraye,
Cadawgey markuu Teelateel, maydku tiro beelo,
ayaan Togag ku tuuryeyn jiroon, Taa ku deyn jiraye,
Taariikhdi yaa soo celshoo, tuuryo igu geeya.

Waxba yaanan hadba Teed ku dhicin, Toban tiraaboode,
Ta' quraan ka sheegani intaan, soo tammaadiyaye,
haddii Tayda lay yeelo ee, Turuf la ii daayo,
Feerkiyo Tatoomahan ridiyo,Toogashiyo Laadka,
Tiqlo waxan dhigaa goorahaas,Taaha iyo Guuxa,
Qoom dhamaa ka toorayn lahaa, Teedka dunidaane,
yaa Taan ka taabsani haddeer, gaar u tiigsanayo,
Toddobadiyo Tobankii Gugii, Tuurmo igu geeya?

Haddii aan waxaan tirinayiyo, dhigo Tollaaydaani,
wax mar taro wax kaa tegey inaad, daba tabuucdaaye,
wixi tegey inay Toogo kale, Toon ku soo noqonin,
Tawaab baa middaa tiifay oo, Taababkeed xiraye,

Tawxiidka inad qirato iyo, Nabigu tuu sheegay,
ayun buu Tawaabkaa ku faray, Taabac noqotaaye,
wixii tegey waxaad tabani eed, TOOBIYAHA seegtay,
Tan kuu taal haddaad toosisood, fuliso taagtaada,
Tagtadiina aad qirato eed, Tawba ka tiraahdo,

Turunturre Tafaalaha Ibliis, Togagga uu jeexo,
Nafta oo isaga taakulayn, Talo ammaarreeya,
haddaad labada Taabka u jartood, Tuugo ku tiraahdo,
Tigaaddii Firdawsaad inaad, Toos u geli doonto,
Tallaahuu tawaabkeen ku maray, Taa inuu fuline,

haddiiseed Tawaab diiddo eed, Toliso shaydaanka,
Tallaahuu ku maray Naar inuu, Tuurta kuu dhigiye,
waxba haw tawaawicin adaa, Taadi daayacaye,

Turuq weyn mid loo sheegtay ee, Daalim tibabeeyey,
Tabar yari ayaa ciishay iyo, Ruux ka Turuq weyne,
kiise Taag is bida Tootamoo, Taabta muruqiisa,
Tif miduu la yahay baa ku nool, Teedka dunidaane,
Yuusufkaa Qur'aan baa Tabtiyo, yiri Tiraabtaaye,

goortayno toorayno ee, Talo wareerayso,
laysku mari tagoogaha labaa, Tafaqu saaqiiya,
ee Ruuxa laynaga tirjaa, Tiririqlaynayno,
aan u dhiganno Toogtaas Tab iyo, Talo waxaan hayno,

anigiyo intii ila toloon , Diinta ku tolowday,
oon Rixin ka taabsaayo ood, wada taqaan Eebbe,
annagowgu Taag daran dunida, Talalka yeeraaye,
Tawaabow na taageer markaas, Tawba kuu niriye,

----------------------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk