Tabar ma aan haayo 2
Beryahan tartami jiraye aan orod ku tookhaayey
oo aan tin layjari jirine, turuf ku dhaafaayey
tartankaynu bootimaysan jirree, timir ka boodaayey
legdenkaan tafaha qaban jireen, tibix ka siinaayey
tagoogaha intaan uga dhegoon, gudub u soo tuuro
buurweynta baan tooxin jirey, tuurta goyn jiraye
taariikhda yaa soo ceshoo taa i tusa maanta

tabiinkuu dagaal tuursamee, tacaddi lay geysto
tummaatida intaan ula tageen, waran ku taabbeeyo
amaan ulweyn la tiigsado ayaan, toorriyeyn jiraye
cadowgey markuu teeloteel maydku tira beelo
ayaan togag ku tuuryeyn jiroon, taa ku deyn jiraye
taariikhda yaa soo ceshoo tuuryo igu geeya



RUUXA SIDAAS YIRI XASADKA IYO XIQDIGA KU JIRUU LA GUBANAYAA, DHIIGGUU GELI JIRUUNA LA JOOGI LA'AYAHAY

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk