Suul dhabaandhabo 25-12-2003
Marka hore salaan diirran hoo, Ereyo suugaana,
marka xiga sidii xalay dhacdaan, yara sifaynaaye,
anigoo samaan kuu hayiyo, Subagga xoolaadka,
saqdii dhexe siraadey markaad, Siigo igu dhaaftay,
selel iyo walaac bay galiyo, Suul dhabaandhabo e,
xoog iga sarreeyey sitoo, seemay araggiiye,
qalbiguu jacayl saaqay bay, Waano ay sarine,
socotaye wuxuu yiri ibliis, Suudi naga seexo,
adigow sagsaagee middaan, kuuma suubbana e.

Waxan iri saciiraad tihiyo, silici naareede,
qalbiyaysu saafiya ayaad, Suuyuc gelisaaye,
anigaa siraad iyo aqaan, Suubban gabadhaane,
iska soco inaad saalix tahay, kaaba sugi mayne.

Markii aan ibliiskii sugeen, surunka qaadsiiyey,
baan iri sarey aadday ee, daba gal saanteeda,
markii aan sallaankii koreen, Saxar ku soo waayey,
saqdii dhexe ayaan iri garaac, Sulub albaabkeeda,

Martidii markaan saanyadoon, maanka soo geliyey,
sacabbada anoo laabtay oo, sawtka gaabinaya,
samir adag ayaan kaashadoon, Jiif u soo kacaye.

waa sibaab ibliis dawdar iyo, Saabab weyne ahe,
sarara weyne ibliis waa sun iyo, Ehel saciiraare,
mar kaluu intuu soo sulxaday, ------------------,
intuu soo sulxaday oo dibnaha, dhigay salaan beena,
Saatir baan megen galoon ku iri, soombiryohow waalan,
inad Sixir tahood iga hareyn, Soombe abidkaana,
ilaa aad saciiradi i dhigi, waan Sar garanaaye,
iska soco Saqraan baad tihiyo, cadow Sibraar weyne,
---------
------

Samsamey siraadey waxaan, Hadal ku soo suulshay,
anigoon sariirtiyo halkii, dhaafin sabadayda,
oo daa khiyaaniyo sirtee, si xunna kuu eegin,
markii aad socdaasheed tagteed, Surunka ii dhaaftay,
Saatir baa ogaa oo qalbigu, Saafi noqo waaye,
ula soco sidaa Suubbaney, Saamax baad tahaye.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk