Surweelkiyo Shaarkuu sityo Suud wax uma raaco, 22-09-2016
in yar oonba saamayn lahayn, wuxu sameeyaaba,
oo soomi salaaddana dukani, samo leh mooyaane,
Siyaasiga Soomaali ee, Saaka nala jooga,
Surweelkiyo Shaarkuu sitiyo, Suud wax uma raaco,

Xil kaw sarreeyiyo haddaad, Sede u dhiibayso,
khiyaanada munaafaqu siraa, Saacad gudaheeda,
Caqligana Sabeenaha idiyo, Saca la nooc weeye,
taladana Saqraankii dhergiyo, Sawir ku nooc weeye, Seleli baad moodi,
Damiirkana suntaa Halaqa iyo, Sixir mitaal weeye, mitaalkii dheh
ballantana Sakeel weyne iyo, Saab wax kuma dhaamo,
Jeebkana Sanuud uu xadiyo, Suug wax uma dheera,

----na safiih qaawan iyo,  

Soddon Saniyo dheeraad haddaad, Ido ku sooryeyso,
Cirweynida Sabaax taangigiis, Subax ka laacaayaa,  ku fuuqsaaya seken ku laynaaya

Qabiil buu u siriraa markuu, Dhegaha soo gaaro, soollaayo
waxna uma sidoo uma naxoo, wuuba suujiniye,
sambacuu ku maalaa sidii, Sici Hariir weyne,   Xamuuraale, caloolweyne,xagaafaale, saca la maalaayoo

Saqiirriyo Agoon iyo Sirqiyo, Sebi wixii jooga,
intaas buu sugaa oo safaa, sidi libaaxooda,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk