Somaalaay abaal laay! 06-07-2006
Maansadan Somalaay abaal laay oo soo baxday 06 July 2006 waxa ay soomaali ku boorrinaysaa sida ay aabbayaashood ugu duceeyaan ama u xusaan in ay hooyooyinkoodiina u duceeyaan allena dembi dhaaf u weydiiyaan, si ilaahay miyirkan ka tegey ugu soo celiyo barwaaqo iyo bash-bashna ugu noolaato, waxa kale oo ay tilmaamaysaa in aysan qofna xigto iyo dhalasho been ah ku soo dhaweyn ee qofkii wanaag kula dhaqma kula dhaqanto wuxuu doono ha ahaadee, waxayna ahayd:

Soomalaay abaal laay,  anigaan samraynoo
kula saayiraayee midka,   Subagga kuu shuba
waxa kaaga suubbanod,  uga sama falaysaa
kan sun kuu walaaqee,   Naar kugu sagootiya.

Sawaariiq kan ridayee,   Saqda dhexe Habeenkii
adigiyo saqiirrada,   Salawgiinna yeeriya
alla yaa sifeeyoo,    Ceebtiisa sayroo
ka sarriigsanaan jirey.

oo ruuxa saalixe,    u huraa sanuuddoo
ruuxiisanow suga,    yaa inkiray sedkiisoo
samihiisa qariyoo,    simbiriirixiisana
sawd dheer ku sheegoo,    ku salladay cadaawaha.
 
War midkii safkaagiyo,   Hooyadaa Sucaad Cali
kula seexday Uurkii,    ee ku saanyanaayoo
silicaaga doonaya,    waxa kaaga sama loo
dhinacaaga soo xiga,   Sawd ameerikaankiyo
ninka Seerbiyaankaa,    ee ku saacidaayoo
samahaaga doonaya.
 
Anigaan samraynoo,   idiin hiillinn saakaye
inay malaa'igi soo degi,   Samadaa ka soo dhici
oo ku wada sameeynoo,    Saaliixiinna kaa dhigi
waa waxaad sugaynine,    saxo Khaladka kaa dhaca
afka saar daboolkoo,    Bishimaha la saayira
Sabar iyo Dulqaad iyo,    Sal culaysna kaashada.
 
wuu sahwiyey Adduunkiyo,  salawgiinna yaabyaye  
bal si aad qabiilkiyo,  saancaddaalayaashiis
uga sama baxaysaan,  Sannadaan Adoogiyo
wadnay sawraciisee,  bal Hooyooyinkii sare
Boqollaala sannadood,  Qabuuraha la seexiyey
Saddaqooyin bixiyoo,   inuu Eebbe saamaxo
Dambigoodi suuliyo,  Saatirkiin u tuugaay. 
 
dabadeed Sareediyo,  Seermaweydo waxa iman
min Sanaag Shilaabiyo,  Sool iyo Hargeysiyo
Saylac iyo Hadaaftimo,  ilaa Sabadka Keenyiyo
seeraha Libooyaad,  Soomaali idilkeed
meel ay saan dhigaysaba, saamaysa gebigeed

saxansaxo macaan iyo saymaha mahiigaan
eebbe uu ka wada simo, oo saraca soo baxa
barakada sabuulkiyo, saca caanihiisaa
soomaali deeqoo dalaggii u soo hara
doollar siisanaysoo dibadaha u sii diri. 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk