Somaalaay Abaal laay! 06-07-2006
Maansadan Somalaay Abaal laay oo soo baxday 06 July 2006 waxa ay soomaali ku boorrinaysaa sida ay aabbayaashood ugu duceeyaan ama u xusaan in ay hooyooyinkoodiina u duceeyaan allena dembi dhaaf u weydiiyaan, si ilaahay miyirkan ka tegey ugu soo celiyo barwaaqo iyo bash-bashna ugu noolaato, waxa kale oo ay tilmaamaysaa in aysan qofna xigto iyo dhalasho been ah ku soo dhaweyn ee qofkii wanaag kula dhaqma kula dhaqanto wuxuu doono ha ahaadee, waxayna ahayd:

Soomalaay abaal laay, anigaan samraynoo,
kula saayiraayee midka, Subagga kuu shuba,
waxa kaaga suubbanod, uga sama falaysaa,
kan sun kuu walaaqee, Naar kugu sagootiya.

Sawaariiq kan ridayee, Saqda dhexe Habeenkii,
adigiyo saqiirrada, Salawgiinna yeeriya,
alla yaa sifeeyoo, Ceebtiisa sayroo,
ka sarriigsanaan jirey.

oo ruuxa saalixe, u huraa sanuuddoo,
ruuxiisanow suga, yaa inkiray sedkiisoo,
samihiisa qariyoo, simbiriirixiisana,
sawd dheer ku sheegoo, ku salladay cadaawaha.
 
War midkii safkaagiyo, hooyadaa Sucaad Cali,
kula seexday Uurkii, ee ku saanyanaayoo,
silicaaga doonaya, waxa kaaga sama loo,
dhinacaaga soo xiga, Sawd ameerikaankiyo,
ninka Seerbiyaankaa, ee ku saacidaayoo,
samahaaga doonaya.
 
Anigaan samraynoo, idiin hiillinn saakaye,
inay malaa'igi soo degi, Samadaa ka soo dhici,
oo ku wada sameeynoo, Saaliixiinna kaa dhigi,
waa waxaad sugaynine, saxo Khaladka kaa dhaca,
afka saar daboolkoo, Bishimaha la saayira,
Sabar iyo Dulqaad iyo, Sal culaysna kaashada.
 
wuu sahwiyey Adduunkiyo, salawgiinna yaabyaye,  
bal si aad qabiilkiyo, saancaddaalayaashiis,
uga sama baxaysaan, Sannadaan Adoogiyo,
wadnay sawraciisee, bal Hooyooyinkii sare,
Boqollaala sannadood, Qabuuraha la seexiyey,
Saddaqooyin bixiyoo, inuu Eebbe saamaxo,
Dambigoodi suuliyo, Saatirkiin u tuugaay, 
 
dabadeed Sareediyo, Seermaweydo waxa iman,
min Sanaag Shilaabiyo, Sool iyo Hargeysiyo,
Saylac iyo Hadaaftimo, ilaa Sabadka Keenyiyo,
seeraha Libooyaad, Soomaali idilkeed,
meel ay saan dhigaysaba, saamaysa gebigeed,

saxansaxo macaan iyo, saymaha Mahiigaan,
Eebbe uu ka wada simo, oo Zaraca soo baxa,
barakada sabuulkiyo, Saca caanihiisaa,
Soomaali deeqoo, dalaggii u soo hara,
Doollar siisanaysoo, dibadaha u sii diri. 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk