Soomaali Dhoohane, 13-02-2006
Maansadan Soomaali dhoohane oo soo baxday 13 kii Marso 2006, waxay kan xasuuqa ehelladiisii shaqada ka dhigtay 
xusuusinaysaa sida ay magaalada xamar hortiis ahayd iyo sida ay gacantiisa ku noqotay iyo in maalinta maydkiisa la 
qaadayo uusan dembi iyo naar mooyee wax kale raacayn, kabihiisa iyo saacadda u xiranna intuu sakaraadka yahay
anigaa leh iyo anigaa leh walaalihiis iyo kuwii uu dad u jeclaa ku dul diriri doonaan isaga oo weli soo taagan oo uusan
ruuxu weli ka dhicin, waxayna ahayd:

Soomaali dhoohane xumo kama dhergaayaha
damiirkiisi beecshee shilimaadka dhaafsaday
sidad wax u dhigaysiyo markan dhalan roggaagiyo
dhaqankaaga eegaba abti inu ku dhaaway
dadka qaar ku dhaartaan.

Qofka dhimasho neceb ee megen galay dhashiikow
hareertaada dhugo iyo hitler meeshi loo dhigay
dhab u fiiri dhoohane saantaad dhigaysiyo
dhegta iyo qadaadkiyo dhabankaaga muuqdiyo
ilkahaaga dhaadheer ma in dheel adduunyada
luguu keenay dhoohane yaad ku dheelallawdood
sheeko aad ku dhiibtaa.

Inad ruux dhabcaaloo caqligiisi dhoofoo
la dhufsadayna aad tahay bal xusuuso dhoohane
magaaladad dhex joogtee ku qubayso dhiiggoo
balaayadu ku dheelee ee sebi dhallaan iyo
dhool habaryartaa iyo dhudi cali walaashaa
harkii lagu dhacaayoo dharka looga siibayo

Bal xusuuso dhoohane xamar weyne dheehoo
bilic loo dhammaygii cawbaarki dheeraa
dhafaruur qudaar iyo mooskiyo dhaqaalihi
tubey-taano dhoobnaa beryahan ma dhaaddoo
dhaayaha ma saartaa?

Xagaayihi dharaar iyo cawo dheelmad di'i jirey
saxansaxo dhacaysiyo larki dhalalacayn jirey
beryahan ma dhaaddaa dhaayaha ma saartaa?

Shuucigii dhirqaysnaa markuu xamar ka dhoofee
saqdii dhexe ka dheelmaday waanigii idiin dhigay
idiin dhilay digniinoo idin iri dhabcaalyahay
ilaa aad ka dhaaddaan kitaabkiinna dhawrtaaan
heli maysid dhaameel iyo dhibicda roobkood
caanaha ka dheregtaan.

Mar kalaan idiin dhigay carta aad u dhoofteen
dhakafaarka idin iri iyo dhaygag joogtaa
car ninkee dhaqaajoo naga dheelminaayoon
dhaldhalaal adduunyiyo malaayiin u dhiibnaa?

Waxan weliba daba dhigay taa inay dhacaynoo
dheeldheesha uun tahay.

Suu xaddiisku noo dhigay kun tallaabo dhererkeed
iyo weli ka sii dheer deris dhinaca kaa xiga
haddii aad ka dhowrtood dhibka aad ka deyn lahayd
ma colaad dharraacdiyo dhib baa kuu imaan lahaa?

Xaddiis kale siduu dhahay qofka dhereg ku seexdee
jaarkiisu dhimanayo iimaanka kala dheer.
hadii aad dhegeysee dhowri lahayd xadiiskaas
miyey dhiillo gaajiyo faqri uu ku dhugan lahaa?

Dhibadhibaha awgii su'aal aan ka dhiibtee
diintii laguu dhigay dhawaaqii wadaaddada
inad dhego la'aydoo dhegahaagan waaweyn
dhukay kaaga awdnaa iyo inad dhabcaashoo
habeen dheelku soo dhacay hurdo dheer adoo galay
caqligaadi dheelmaday labadaa mid ii dhiib.

An maansada dhuddeedii dhuuxa kaaga saaree
i dhegeyso dhoorrow soomaali dhoohane
sakaraad dhexdiisii maalin lugu dhibaayee
la dhifaayo ruuxee galowdaa la dhaafiyo
ee uu dharkaagiyo dhashiikihi asaaggaa
dhaxal kaaga helo baad shicibkaad dhibeysiyo
dhiiggii xusuusani.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk