DHAMA' ama SOOMAALI DHOOHAN - 2000
Maansadan Soomaali Dhoohan oo aan wax yar ka hayo inaan dib u helayana aanan hubin, waxay soo baxday sandkii 2000, waxan kaga afeefanayey billowgii shirkii Carta oo aan ku tilmaamayey inuusan waxba ka duwanaan karin shirarkii ka horreeyey ee dhiig daata uun ka dhalan doono, sidii shirarkii ka horreeyey oo mid walba ku dhammaaday weerar iyo weerar celis.

Sidaad darteedna aanuu ka soo baxayn wax soomaali wax u taraya, wax wax u dhiba mooyee, ilaa ay qirato dembiga maata-layska ah ee ay ka gashay hooyooyinkii dhalay ee odayaashan qabiil ee ay sheegtaan la dhalay, waana kuwan baydadka aan ka hayo:

Soomaali dhoohaney,    dheelallaw ku jiraay
qalbigii wax dhugan jirey,    dhugya maan ka maraney
dhaqankeedi guud iyo,    diinteedi dhaaftaay.

Dharaartey shiraayaan,    Odayaasha dhoobane
Boqollaalka dhaafaa,    isma ay dhegeystaan
way wada dhawaaqaan.

Kulankay u dhoofaan,    Goor xun buu dhammaadaa
iska daa dhurow iyo,    Khayr soo dhawaadee
Dhiftintii horeetaa,    sii dheellinaysoo
Caro sii dhalaashiyo,    Dhashiikiyo colaad iyo
Dhufays baw dambaynaya.

Labo isu dhaxeenoo,    is yaraha dhibsadoo
Dhoofo ay leedahay,    hadduu soo dhaqaaqee
mar dambay dharbaaxo un,    kari maayo Dherigaa

Arrintoon dheg xumayn,    saa u sii dhirqanayn
yey intay dhabqiyaan,    sii kala dhilqiyaan
Dhurdo iyo sidii ay,    Dhilqo ay yihiin bay
reero wada dhaqan ay,    Furriin uga dhammeeyaan.

Dheeldheesha dhaafee,    Halkay caawa dhuganee
car ninkee ka dheelmoo,    horay uga dhaqaajiya
oon waxan dhur leennahay,    Dhaldhalaal adduunyiyo
Malaayiin u dhiibnaa ?

Taasi dheelallaw iyo,    waa waxan dhacaynine
qof kastaa dhankiisuu,    Dhama' uga jiraahiye
aniguba dhankeyguu,    iga dhaawacaayaa
Go'aygan Dhex-ka roor,     dhaxan hayga celshoo
dhexda aan ka galee,    waan dhehee nabadey !



Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk