Soomaali deyey, 07-05-2007
Maansadan Soomaali deyey, oo dhalatay 07-05-2009 waxay la yaabbantahay dhaqanka soomaalida cusub ee uu
ka dhintay dareenkii lugu kala garan lahaa waxa xun iyo waxa san, waxadna arkaysaa inay ruuxa u roon dadka ugu
necebyihiin caay iyo xan iyo dhibaatana la daba galaan kan xun ee laaya oo xasuuqana ay dadka u jecelyihiin oo
ay ammaan iyo kaalmo la daba taaganyihiin oo hadduu dhinto xitaa ay yiraahdaan wallee geesi uu ahaa, 

waxa kale oo ay maansadu ka hadlaysaa kuwa makii ay dan u gaar ah wataan ku gabbada diin iyo qabiil iwm,

haddaba aniga oo rajeynaya in ay qayb soomali ka mid ahi ka xanaaqi doonto ereyadeydan iyagoo qabiil walba is
leeyahay geesigiinnuu ula jeedaa, waa tan maansadii yarayd: 

Soomaali deyeyoo  soomaali eegaye
xumaantey samaan iyo sinnaantii u haystaan
samaantana xumaan iyo sun ayey u haystaan

dadka kii sirgaxan iyo sambacey u jecelyihiin
kan samaan la dooniyo saalixey u necebyihiin

haddaad siiso subag ood ku tiraa sibraarkaas
soomaali qaadoo saxankaa agtaadana 
sun ayaa ka buuxdee haw dhawaanin saaxiib

Saacidow intii aad hadalkiiba soo goyn
soomaali subaggiyo sibraarkii ma aadee
suntaad uga digeysiyo saxankuu la boodee
xaalkiisu waa see ?

haddaad maagto soo celi yuu saaka dhimanine
soomaali wuxuu oran war may aha suntan iyo
beladaad saraadine sonkor iyo saliid iyo
subag baa ka buuxoo saqiirraan u geysaa!!

kolkuu sibiq dhaqaaqaa sambabkaaga hoosiyo
sararaha korkoodaa xummad ay ku saaqdaa.
 
bal si wacan u eegoo culummadan saxaabadi
sambalkooi moodayey, kula wada soceynana
sunnadii rasuulkii haddey saakay qaadeen
dariiqii saqraankiyo sigaarya cabowgaan
iyagoo safrinayoo sahanaya billaawoo
surka wada guraayoo selelkoodu yeerayo,
ee aan sabbeeyoo dhiigeygu sare iyo
samadaana ila tegey.

alla maxay sasaba iyo deriskaa na siri iyo
been noo sulsuliyeen !

ha ogaado subaxaan inaan saaka dabadeed
cid damboo safraysaba saa aynaan u eegeyn,
bal maxaa sawaliyoo iimaankii siiboo
caqligii sagootiyey ?

war bal siinka maansada seeto aan ku taagee
soofka xoolaheygiyo yaan doollar siiyaa
oo yaqaana sancadii soomaali dawadiya ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk