Soomaali deyey, 07-05-2007
Maansadan Soomaali deyey, oo dhalatay 07-05-2009 waxay la yaabbantahay dhaqanka soomaalida cusub ee uu
ka dhintay dareenkii lugu kala garan lahaa waxa xun iyo waxa san, waxadna arkaysaa inay ruuxa u roon dadka ugu
necebyihiin caay iyo xan iyo dhibaatana la daba galaan kan xun ee laaya oo xasuuqana ay dadka u jecelyihiin oo
ay ammaan iyo kaalmo la daba taaganyihiin oo hadduu dhinto xitaa ay yiraahdaan wallee geesi uu ahaa, 

waxa kale oo ay maansadu ka hadlaysaa kuwa makii ay dan u gaar ah wataan ku gabbada diin iyo qabiil iwm,

haddaba aniga oo rajeynaya in ay qayb soomali ka mid ahi ka xanaaqi doonto ereyadeydan iyagoo qabiil walba is
leeyahay geesigiinnuu ula jeedaa, waa tan maansadii yarayd:

Soomaali deyeyoo, soomaali eegaye,
xumaantey samaan iyo, sinnaantii u haystaan,
samaantana xumaan iyo, sun ayey u haystaan,

dadka kii sirgaxan iyo, sambacey u jecelyihiin,
kan samaan la dooniyo, saalixey u necebyihiin,

haddaad siiso subag ood, ku tiraa sibraarkaas,
soomaali qaadoo, saxankaa agtaadana 
sun ayaa ka buuxdee, haw dhawaanin saaxiib,

Saacidow intii aad, hadalkiiba soo goyn,
soomaali subaggiyo, sibraarkii ma aadee,
suntaad uga digeysiyo, saxankuu la boodee,
xaalkiisu waa see ?

haddaad maagto soo celi, yuu saaka dhimanine,
soomaali wuxuu oran, war may aha suntan iyo,
beladaad saraadine, sonkor iyo saliid iyo,
subag baa ka buuxoo, saqiirraan u geysaa,

kolkuu sibiq dhaqaaqaa, sambabkaaga hoosiyo,
sararaha korkoodaa, xummad ay ku saaqdaa,
 
bal si wacan u eegoo, culummadan saxaabadi,
sambalkooi moodayey, kula wada soceynana,
sunnadii rasuulkii, haddey saakay qaadeen,
dariiqii saqraankiyo, sigaarya cabowgaan,
iyagoo safrinayoo, sahanaya billaawoo,
surka wada guraayoo, selelkoodu yeerayo,
ee aan sabbeeyoo, dhiigeygu sare iyo,
samadaana ila tegey.

Alla maxay sasaba iyo, deriskaa na siri iyo,
been noo sulsuliyeen !

ha ogaado subaxaan, inaan saaka dabadeed,
cid damboo safraysaba, saa aynaan u eegeyn,
bal maxaa sawaliyoo, iimaankii siiboo,
caqligii sagootiyey ?

war bal siinka maansada, Seeto aan ku taagee,
soofka xoolaheygiyo, yaan oollar siiyaa,
oo yaqaana sancadii, Soomaali dawadiya ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk