Soomaali dammanaey! 08-05-2006
Maansadan soomaali dammaney oo ahayd 08-05-2006, waxay ahayd xilliigi maxkamadaha loo yaqaannay
dagaalkii ka dhacayey Sii-Sii (CC) ama soonaha Sanca - Xamar, ayey labadii koox ee ku daggaallamaysey isula riiqdeen si ka duwan dagaalladii la mid ka ahaa ee ay dagaalayeen, waana tan maansadu:

Soomalaay dirkii uu,  Daa'im dhawray mooyee
soomaali dammaney,  eeddadey ma diiraay
caloolyow ku daaqaay,  dhaqankii dayuusley !

Boholaha dugaaggee,  danaystuhu ku dhuuntaay
dhiiggeeda caba iyo,  guryaheeda dumiyaay

Madfacoo daryaamaa,   dig markuu yiraahdee
lixdan ay ka duushaba,   maydka oon la duugayn
daldalayso dhaawaca, taan dareenka kaca iyo
damqashada ka waayaay .

dhulkeedoo dihnaayoo,   Kalluun uu dareerayo
qaxooti u dalaabaay,

webiyada dalkeedoo,   qarqiyeen dadkeedii
baahi dawarsaneysaay,

haddaad toban ku duubtiyo,   dusha ood ka taabee
isku si u dareemaay,

tii Diin Islaam iyo,   carruurtii dillaashee
bac madow la duushaay,  

Dembigay sameysaba,   Deriskeeda saaraay! 

Rasaas kay dilootiyo,   kan dul taagan goobtaa
ee inu ka daabbulo,   dhaawaciisa doonaya
mid damboo yimaadiyo,   Godkaw wada diyaaraay,
dilka wada sugaysaay,  

yaan Diinfta kugu taal,   reer hebel dareeminey
qosol aan duxayn oo,   hoos u sii degeyn bey
daamankiyo maqaarkaa,   kor u sii yar duubtaa,

kay shalay direysee,   Duul kale xasuuqayey
tuu maanta dilayaay,

waxa saa u dagayee,   Dabarkeeda goynaya
waa qab-iil dullaystoo,   Dambaskiisu muuqdee
misna maba dareemaay.

Aan ugu dambaystii,   Dabka Xamar ka qiiqaya
sabatiisa doorkiyo,   dulucdiisa sheegee
halka dhiiggu daadaa,  daadduunka SIISII
degelkaasu wuxu yahay, dugsigaasu waa kii
daciifkiyo miskiinkii,   dembi laawayaashiyo
ehlu diinki Gaalgalo,   Dhegta dhiigga loo daray
waa abaal duxaayee,   Eeddadey ma diirana
weli maba dareensana,

waa taa daraaddeed,   Dhiiggeeda daatiyo
Dayacaaddu haysee,   Qab-iil tuu dullaystaay
Dadnimadi ka guurtee,   Damiir li'i u guurtaay,

aan deelka gooyee,   Allahayga Daa'ima
dacwad aan u dhiibtee,   Daa'imow ilaahow
dalkaygiyo dadkaygii,   baa sii dhabayshtee
Dabayl caafimaad iyo,   Dawo khayr leh noo keen.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk