Sokeeyaha is cunayow, 12-12-2014
Soomaali dammaney, Sokeeyaha is cunow, Sunta isu walaaqow, isu silciyey qayrkood,

marka ay Sareediyo, Sano wacan helaan oo, Saymo Roob barwaaqiyo, Mahiigaan u soo da'o, halkay Saatirkoodii, Sujuud looga rabuu, Caqligoodu suulaa.

Mid walbaata Seef iyo, Amley buu samaystaa, Hooyadood Salaadiyo, abtigood Saciid iyo, Riximkii samaa ee, Saatir dhawra yiri buu, Surka uu u dheerayn.

Saqiguu jeclaa iyo, saqiirradii u korin jirey, Samankii Abaartii, Soortii uu tacab iyo, Saboolnimo ku soo helay, Sandareer ku siin jirey, un buu Samanka Roob da'o, saq-barkii miraa oo, Surka uu u dheerayn.

Soddomeeyo Abtir iyo, Saleebaanya Cayr iyo, Siin iyo Cayn aan, Xikmad kaleeto ka sokeyn, Sifo an la garanay, Saawir isu mariyaan,    

Saqiirraday wada dhaleen, intay kala serseeraan, Labo qayb u saafaan, Sallaxii af ku dhege, ------- sidiisii duulyohow,  , ----------
Ubadkoodii saddex-saddex, intay safaf u geshaan,  (u saqiir suujiyee) markuu midba soddon cuno, Saqiirkiisi gawraco, Sacab iyo Guul iyo, Subag uu ku sheegayo,

waa Sawir Calool weyn, Sambacoo Calaanoo, Sambalkii dadkiisiyo, Soomaali cirib tira,  - Naaqusay  

Cadawgoodu soo kore, Subax nool way dhashaan, Dhakhtarrey suubsadeen, sixadooda dhawraya,

Soomaali dammantana, rasaastii Seben iyo, Sunta uu u qaybshaa, dhaqaalaha ka sugaa, Suuqyada ka gubaa, markuu Ruuxu sirirana, Qaxa iyo Suudiga, cagta saar ku yiraa,

u seeraan xeryo baas, gaaweeto Soor ay, Dameeraha siisayn, Quud ay u siiyaan,

waxan soo illoobana, kii soo qaxayana, inta adan soo qixin, dhulka soo gub yiraa, Dhirta soo shid yiraa, Hebel soo dil yiraan, kaddib soo qax yiraa, adigoo siriroo, Sanka Naftu joogtoo, Salaan ii saaraya, Sacab ii hoorsaa, isla kaa sawiree, 

isaguna Sambacani, Saa iyo sidaa iyo, sidii ay noqotaba, Subax nool wuu dhintaa, Xabbad baa sifaysoo, Gaari baa la seexdoo, Cudurraa sabuulshoo, Sambabkey u le'daan,

waar hooy Sawiryahay, Sambacyahay dulligaa, Sixir laga dherjiyahay, Sibaab laga wada dhigay,

Saleebaan Cayr iyo, Cayr Saleebaan iyo, iska daa Simantaan, Sabo qura ku taallee, Siwaaqroonku waa Cayr, Cayrna waa Siwaaqroon,

welibana Siwaaqroon, waa Sabo hoosiyo, Sambabkiyo Wadnahoo, Doombiro Simantii, Walaalkaa Dir Samaal, Sarteedi weeyee, Shiiniya Seerbiya, Sabadaa Israa'iil, sidii Nabigii inad, Samaan kula socotaa, Saatirkaa ku amraye, hase sii dambaysee, adigaaba suuxsanoo, isi Saab jaraaye, Soomaali gebigeed, Soomaali weeyoo, Sabadeeda oo idil, Soomaali baa loo, Soomaali waa mide, Soomaali Nabad geli,

iska daa bal Soorkiyo, Seef aad la aaddee, oogada Qof soomaal, sulufkiyo Boorkiyo, Saxarkii ku duuliyo, ka afuufa Siigada,

ma lihidin Seeriyo, summadaha beentee, Fikirkaagan Sawirkiyo, niyaddaada soconaya, iska saara Beladiyo, Soohdimaha Shaydaan,

Haddaad Taran soomisaan, Seefna aad la haaddaan, Soomaali socotoo, way Saan tirantee, Masaafada Saafi iyo, Safarkeeda joojiya,

Magacyadan Silloon eed, noo kala saarteen, Uunkii Saatirkeen, aad ku kala seerteen, Sab iyo Midgaan aan, sifadooda la aqoon, Saatirkiin ka baqoo, joojiya Sawtkaas,

Haddii ay Saafi oo, Sabadeeda joogtaa, Saygeeda heli layd, Boqol iyo Siddeetanka, Hayaan oo Socotaa, Cagaaran si gaar iyo, Soohdintii Wanleweyn, Safar umayBA aaddeen, -----

Aabbaheed safiihnimo, xasadnimo ku sooftoo, -------- dhaafsada Sanuud iyo, Sagaal Geel inuu helo, Cawradeeda siistiyo, Sambac umay aragteen,

Ma raacdeen Saqraankii, soo hoolay Dhabannada, oo hal Saac ka horow, Sawirkiisa garanayn,


iska daa Saleebaan, iyo Cayr saloogane, soomaali gebigeed, Seer kalama ay laha, 

Nin waliba Summaddiyo, qolkuu soo cabbirtiyo, Beertuu samaystuu, sedka gaar u leeyahay,

ee sixir qabowyaal, eeg eega Samankiyo, Sannadihi tegay iyo, Waayaha soconaya, 

Wadaaddadan Sabta iyo, Tacsida sugayee, sidii Cantallaagiyo, Dhurwaa sawraxayoo, Raq Libaaxu soo riday, haraageeda sugayow, 

Bal ii soo tiriyoo, Qabaliyo silicley, ma Labiya Saddex baa, ma Siddeed magacbaa, ma Sagaal Oday baa, ma Saddexya Toban baa, yaa ii saleeyoo, Tiro sugan i siin kara? 

Qabiiliiste Sixir iyo, waa Sibaab daranoo, Salka hoos uma jiro, macno iyo Sabab maleh, Siinkaygan maansuu, sidiisaasi ku egyahay, Saciid iyo Sacad baa, labo Seedo noqonaya,

Siin kale hadduu jiro, ka sarreeya Siinkood, iyagays ku safahoo, siinkay weeraraan,

markay Seefta mariyaan, socdo oo rawaxoo, suuraddiisa waayaan, Saciid & Sacad baa,
isu soo laabtoo, ruuxa isi seejiya,

??? sulufkiyo colaadaha, kuu ka saacidaayoo, siinayey hiilkuu, ----
 
Xuruuftaa sisimane, qoraal lagu sameeyoo, Aadanaha sawtka leh, sadarrada ku muujaan, intay Siinka qorayaan, joogsan mayo Siinkuye,

intuu Dunida Siin jiro, Qabiiliiste Sixirrow, Sur gooyaa u taalloo, waa Belo ma seegaan, bal yaa Siin dhammayn kara, musiibaa na suratee?

Soomaali goortuu, siinWeyne ku ekaa, Sacaadiyo Farxad iyo, sareeday ku noolayd, ----------


Suntu waa Hawiyiyo, Daarood samayskood, Sallaan hoose loo degoo, 2 qolo samaysmeen, 

Basal baana socotoo, maqaarkeeda sare iyo, Sarta laga dhigaayee, sallaankii degay oo,

Hawiyihina 2 Sanam, sii kala samey oo, Abgaal oo Sakiin maa, Geed salwayn goyn kari,  --------- ku sameeyey Shirib iyo, Habargidir seleshoo, yaa i seeri kari laa, Subax nool is cuni jirey,

Basal baana socotee, Habargidir saloolee, Hilowlihi Sacad iyo, Jalaf baa samaysmeen,  bay sameeyeen -----

Hoos u sii socotoo, Sallaankii degay oo, Qaybdiidkii Sacad iyo, Caataa samaysmeen,

Isku salaq dhabatoo, Geedkii Salweynaa, Sakiintu aysan goyn karin, sii kala socoy oo,
Muuse suudi Yalax iyo, Finish baa samaysmeen, bay sameeyeen ----

Sallaankii qabaliyo, waxay Caammo sirirtaba, Wadaadduu u soo degay, mid Sanuun ku raadshiyo, mid Saldano ku goobiyo, mid si Alle u maarshaba,

Qabiil baa saa ahe, kaniisadda seerbiya, Sidnidaa ku taallaa, Sanuun waxay ku helee, ma xirteen Soonkee, Qabiil baan Saan iyo,
Saamayn ku lahayn

Qabaliyo Silicley, Tirsi ay ku sugantiyo, Meel lagu saleeyiyo, Summad gaara may laha,

Hadba Laba Sanam iyo, labadii sawir ee, Caqli kala sooriya, saalixnimo waayee, meel ku wada sugan baa, kala safanaysoo, Billaawaysi saartee, somalaay baraaruga,

Sabadkaa Magaalee, aad u wada safartaan, Sonkor iyo Bariis iyo, Dhar ka soo gadataan, Qabiil muu samayn iyo, saleebaanya cayrkee,
Midnimaa samaantiyo, lugu helay Sareedada,

Sanca Qabiil awgeed, kuwii kaa socdaaleed, Qaxa ugu sabuuliday, ee Sabo Maraykiyo, Seerbiyada aadeen, Ummad soo dhaweeysoo, Seef aan gilin iyo, sacaaduu ka helee,

Soomaali qabaliyo, sawiryahay habaarani, ma adaa bal siiyoo, waa Qabiilo sedkeed? ------

ku salliya Nabigoo, Sallallaahu calayhi, Sakaraad baydin sugi, aad siriri doontaan, sokeeye anu jirin,

Allow yaa su'aaloo, weydiiya Sawirradi, Qabaliyadu salfatee, Sababteedi u rawaxay, waxay saaka hayaan?

isba Soonihiis iyo, ii diid Seerihiis,

war hadduu bal seeriyo, kuu sheegto Soohdimo, Saatirkeen Addoommadi, kala saarid uu galo, Saciiruu shaqaystee, adna maad samaysee?

Haddii ayse saa tahay, Sir maqabe Saab baa, Biyhiiisa siday ee, Samir maad u yeelatid?

haddii aad samaysana, Saqaroo ku sugee, saciiriyo kulaylkeed, ma Sed aad u xiistaa?

Waar yaa soomaal, midkan kaa selelshee, wuxuu iga sidaa tiri, haddey saad sheegtaba, jirto oo saxantahay, waa Walaal sawiroo, Sicii Nuur Geeddiyo, Safiih aan dhaamine, Soomaali intii aad, Dabka wada saari layd, maxaa inad samirtiyo, Salaad kuu diidaya?

Samac maadan u lahayn, Saatirkeen Qawlkiis, wastaciinu bis-sabriya, Wassalaati soo arag?

-------000------0000------0000---------

Somalaay ehelkey, Saatirkey i siiyee, si katoy xumaataba, sina uga maarmayn, Siraan idiin sheegiye, iga yeela Sadarkaan,

Saatirkaan ku dhaartee, Sidan aan soo wado, waa Sida keliyood, Soomaali ku noqoni: 

Sartu waxay quruntoo, Sirtan adan garan iyo, Samhariira Naar iyo, Qabiil uu sun noqdaa,

marka Hooyo siraad, Naaskeed na siisoo, nagu qaadday Sintoo, Dhabta ay na saaree, Sariir lagu seexdiyo, Raaxo sare noo ahayd,

Dhabarkoon salabnana, Gaadiid na sidoo, Cirka nala sabbeeyoo, Samadaa ku tagniyo, Boyn naloo sameeyiyo, Serilaak noo ahaa, 

Marna meel saxariyo, Qashin saar xaruntaan, kaadida ku sayrniyo, Suuli ay noo ahayd, (suuli noo ahaan jirey) ---

innagoo Sami iyo, Beri samo ku jirnoo, dunidaw sarraynaa, silicina wuxu yimid,

Seedkiyo Waddadii, isirkeedi sugnaa, Nasabkeedi samaa, markii aynu Soorkiyo, Seben aan la dhacnee, 

Habaryaro Safiyiyo, Abtigeen samawade,  ---- laga saaray Ishoo, Sakaarrada la jaroo, Sintii ay u dhacaan, Seef loo gelinayey.

Sifadaa Daliisheed, Suuratu Baqariyo, Racdi Sadarkeediyo, Suuratu Muxammadey, si cad ay ugu taal.

Deriskiinna saamaxa, Dunidoo dhan saamaxa, iyaguba ku saadshoo, Soomaali oo idil, Duniday ku sayrmeen, baa soo dhaweeysoo, sida badan ku dhaamee, Saatirkaa ku faree, Samaan un ka shaqee

Haddii aad samacdood, Sawtka Alle yeeshaan, Suluf iyo Gaajiyo, Seefi way i daysoo, waan samata baxoo, Soomaali baan helay,

Haddii aad Saawirtood, sidaadii yeeshana, Sabankaani dunidaa, adoo Silic ku joogaad, Samhariirti aakhiro, Salka aad fariisee,

aniguna Saatirkey, sidu doono yeelaan, wixii uu i siiyiyo, Raxmaddiisa suganaa .

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk