Siraaj Cumar Adeer 22-12-2016
Siraaj Cumar soo barbaar, safka soo gal ReerAdeer,  ----------
Khayr siyaaday noo noqoo, soo badiyey ReerAdeer,
Sixa Caafimaad badan, ku seexoo ku soo toos,

Adaa soo siyaadoo, Samanka aan la soconnine,
Warbixin aan ku siiyee, ReerAdeer Sambaca ma leh,
Sawir Hacood Doqona ma leh, Caasi Saawirana maleh,
Adiguna Siraajow, Siraaj Cumar Adeerow,
Saahid noqo Caabbid aan, Saatirkiisa caasinayn,

Dabci Suubban yeeloo, sidi Adeerka Baarri no,  ---------
Bashiir Saciim sidiisaa, Samaantiisa yeelo oo,
San ku neefle kii bartaa, Sawtkiisa Dheg u dhigaa,    
Soonkuu imaani iyo, Safarkiisa raajacaa,

Suuradaha Qur'aanka iyo, Sunnadiisa Raac noqo,
Samaan iyo Wanaag fariyo, Suuliyaha Xumaan noqo,
Sareediyo Barwaaqiyo, Soomaali Diin leh noqo,
Sidriga iyo Maanka iyo, Saafi Xalane Laab noqo,
Saatirkiisa Caabid iyo, Saxaabadii sideed noqo,

Sed Adduun ma raagoo, Subax baad ka dhoofiye,
Dunidana sideedaba, Socotaa la wada yahay,
Karfan baa la saataa, Jeebna loo samaynine,
Bakhayl waa Sagsaag iyo, Ehelkii Saciiree,
Waalidkii u Sama faliyo, Rixinkiisa soore noqo,
Saalix noqo Caalim iyo, Saciim noqo lagu higsado.

Saatirkayna ha aqbaloo, Saxiix ha iigu duugoo,
sidaa aan u dhannahay, Soomaali idaylkeed,
Allow Saatir noo raxmado.


VVVVVVVVVVVVVVVVV
VVVVVVVVVVVVVVVVVV



Siraaj Cumar soo barbaar, Safka soo gal ReerAdeer,
Khayr siyaaday noo noqoo, soo badiyey ReerAdeer,
Sixa iyo Caafimaad, ku seexoo ku soo toos,

Adaa soo siyaadoo, Samanka aan la soconnine,
Warbixin yar aan ku siiyee, ReerAdeer Sambaca ma leh,
Sawir Hacood Doqona ma leh, Caasi Saawirana maleh,
Adiguna Siraajow, Siraaj Cumar Adeerow,
Saahid noqo Caabbid aan, Saatirkiisa caasinayn,

Dabci Suubban yeelo oo, sidii Adeer Baarri noqo,
Bashiir Saciim sidiisaa, Samaantiisa yeelo oo,
San ku neefle kii bartaa, Sawtkiisa Dheg u dhigaa,   
Soonkuu imaani iyo, Safarkiisa raajacaa,

Suuradaha Qur'aanka iyo, Sunnadiisa Raace noqo,
Samaan iyo Wanaag fariyo, Suuliyaha Xumaanta noqo,
Sareediyo Barwaaqiyo, Soomaali Diin leh noqo,
Sidriga iyo Maanka iyo, Saafi Xalane Laabta noqo,
Saatirkiisa Caabid iyo, Saxaabadii sideedi noqo,

Sed Adduun ma raagoo, Subax baad ka dhoofiye,
Dunidana sideedaba, Socotaa la wada yahay,
Karfan baa la saataa, Jeebna loo samaynine,
Bakhayl waa Sagsaag iyo, Ehelkii Saciiree,
Waalidkii u Sama faliyo, Rixinkiisa soore noqo,
Saalix noqo Caalim iyo, Saciim noqo lagu higsado,

Saatirkayna ha aqbaloo, Saxiix ha iigu duugoo,
sidaa aan u dhannahay, Soomaali idaylkeed,
Allow Saatir noo raxmado.

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk