Sharcigaa ha noolaannin, 03-10-2017 16:40
Maansada Sharcigaa ha noolaannin oo soo baxday 03-10-2017, saacaddu markay ahayd 16:40, haddii aan faallo yar ka bixiyo:

Maxamad wuxuu ahaa nin dadaal & karti & aqoon uu ku shaqaysto ilaahey ku mannaystay, Xaafaddiisii Kismaayo ee Calanley ilaa cirifka shishee Boosaaso ayuu Baabuurta xamuulka ee U.D. iwm kaxayn jirey, dhib badan kdb Baxaari weyn buu noqday oo isagoo doontiisa wata kumannaan kunoo (Ton) oo kalluun iwm badda ka soo saari jirey, kdb khatarro badan & Naar ka boodyo noloshiisa halis geliyey ayuu isaga soo qaxoo Malaysia yimid, siduu hadba shaqo u qabanayey isagoon mid uu deynayaa jirin ayuu markii ugu dambeysey warshad Shiinays buudhiiste ah ka shaqeynayey boliisku dhawr jeer qabteen, taasoo si aan ubadkiisa oon Alle mooyee isaga ku tiirsan looga xirin buu si dhib leh uga dhuuntay, oo mar Wiishkuu ku shaqeynayey inta kor loola dallacay lugula demiyey ilaa ay boliisku ka baxeen, marna bullaacad buu xitaa dhex galoo ku dhuuntay, 

dhibkaas isagoo ku jira ayaa maalintii dambe la qabtoo 23 beri uu xirnaa, sharciga dalkuna wuxuu dhigayaa baa la yiri haddiiba lagu xiro 15 beri lugula hadli mayo, kdb ayaa haddaadan dambi lagugu hayn la iska kaa soo deynayaa iyadoo lagaaga digayo inaan mar dambe adigoo shaqaynaya lagu arkin, in kastoo ciidanka & shicibka dalka Malaysia yihiin dad aad u naxariis & akhlaaq badan, haddna aadane lagama waayo qof isagu iska xune askeriga aan dhibaatada laaluushku dalkiisa u leeyahay garan karin inuu laaluush qaato u fududayna, oo qofka uu qabtaahi is leeyahay intaad 14 beri iska xirnaan lahayd wixii markaas jeebkaaga ku jira isku furo,

markaa dalkan oo aad noo soo dhaweeyey ayaan u hiillinayaa oon leeyahay war dulmigu waa wixii aannaga na burburiyoo noo kiin keenay, runtiina shicibkooda oo aan nugu dhaqan ahayni dhib badan nugu qabaan, waayo iyagu 5:30 aroorta hore ayey shaqo & waxbarasho kala aadaan, maqribbadiina iyagoo aad u daallan soo hoydaan, annaguna maadaana aynaan wax shaqo wada haynin sidaan maalintii oo dhan u hurudno, un baan maqribkii sidii Jilbiskii guryahaa ka soo foofnaa, qayladeennana aysan ka hoyan karin,

waxaa jirey Qodobbo Dawladdoo aad uga caraysnayd qaxooti document been abuura samaystay soo saartoo ahaa Qofka qaxootiga ahi ma shaqayn karo, gaadiid ma iibsan karo, ma kiraysan karo, ma kaxayn karo, ma kori karo, faras magaalaha KL (Kuala Lumpur) na kuma lugayn karo KL & Shaah Alam waa 2 caasimadood sida Dubey & Abuu dabey, balse naxariista dadka & dawladdooda awgeed shuruucdaas markaan jebinno indhahay naga laabtaan, marka laga reebo midmid dhif ah oo laaluush naf ka doona balse sida la wada ogyahay dawladdu aad ula dirirto.

Calaa kulli xaal 03-10-2017 16:40 ayuu Maxamad qoraal Mobile iigu soo qoray oo i yiri 'askar baa i qabatay', 3 saqiirro ah baana biil ka sugayey, 23 beri ayuu xirnaa, maalintaa la xirayey bayna maansadani timid, iyadoon mar la hadlayo dalka aan martida u nahay oon leeyahay waadba noo naxariisataane sharcigan culayska badan nugu haya dib noogu yar fiiriya, oo shaqsi xumi yuusan idiin sababin Nabsi miskiin danu idiin keentay laga galay, waxan kaloo xusuusinayaa madaxdeennii kibirka badnayd in markii dalkii burburay ay cuqubadii ay masaakiinta u xoog sheegan jireen ka soo baxday oo ay shallaay ku dambeeyeen, waxan kaloo xusayaa inaan dalkan & dadkiisa waxba lugu eedayn karin oo ay is leeyihiin kuwa dalkooda soo qarribay yeysan intooda xuni kiinnana qarribine intooda ilaashada.

Shiinka Talo an sheerinan wadaa, Shaharka maantaaye,
Shar Cid aanan la jeclayn ayaan, Miid u shubayaaye,
Allow Shaahid igu beeg middii, Shiishka ugu toosan,

Sharcigaa ha noolaannin ee, Shaaha alam yaalla,
shaqee yaa ku yiri sow ma ogid, Sharci inuu diidi,
Shaaracana ha marin oo ha tegin, Key El shidanteeda,
oo Shirkadaha aaggooda iyo, Shoobbin ka fogowna,
+
Shaag rogmaa ha korin oo ayaan, Shaaldo lagu leefin,
waa Shahar iyo Shuhuur Siniin, Shay ha liqin quuda,
oo Shan mirir naftaadiyo ku waa, Shire Arwaaxdaada,

Sharcigaa sidaa dhigahayee, weriyey shiinkaani,
Run sharriban haddii uu yaheen, beenu shawahaadin, 
Sharlowgiyo la garay kii Dembigu, Shaarka u ahaaye,
balse kii shibbane Beri ahee, shuukinaya aayar,
oo aan shar dhigin ee la yiri, Shuuriye xujaale,
Shabaqlaha haddaad soo gashoon, shalow ku soo siiyo,
kuma xirra inaad Sheekh tihiyo, tuuggi Shalamboode,
Laaluushka Shilinkiisa keen, soo shub Lacagtayda,
+
haddii kale Shafkaan kaa gelaa, qori shafuufayni,  
oo ogow in lagu shaabugeyn, Sheelo lagu geyni,
Shanya toban berina aad Xabsiyo, Jeel ka shiliqlayni,
Shuuriyaha sidaa lagu yiree, Shabaqinaw muuqdo,
Shaki ma leh wuxuu hayo inuu, shubayo goortaase,   

haddii aanse Hiillada Shifaa, Shaaha alam siiyo,
sharcigaasi laaluush u sahal, kii sharlow noqone,
oo Shilin islaameed inuu, shabiyo doonaaya,
oon Dalkiisa Sharaftiisa rabin, Shalow ka tuuraaya,
Shamac buu ku shidi Naar holcee, Qaran shaqaysaayey, 
+
oo nabad ku shaahaayey oo, Dahab la shaacaayey, 
Allow Shaaha alam yaa yiraa, shaarica u laabo,
oo sharcigaasi beddeloo u dhiga, Qaabab kale Shiinka,

Abaal dhace ibliis Shaarub liyo, waa shixnada jaane,
shukran iyo anoo kuleh Mallay, Shaafi ku caweeya,
oo Sharu idiin maba timaad, Sheedda xeradiinna,
waxan oran Shujaaciinta iyo, Shaaha alam heedhe,
inta Shaahid Eebbahood rabtiyo, Sharafta ciiddooda,  
anoon marna kala sheerin oon, gaar u shabakaynin, 
Shaaw shiin Shatiish iyo sharoon, Shiishi iyo Yoogo,
Shahru-qaan Sharmaankaa Hindiya, Khayrul iyo Shiine, 
Shukri iyo Shafiiq iyo waxaan, Cali u sheegaana, 

Soomaalidaad shuufi ee, Shaaha alam joogta,
may ahayn Fuqara Shiida iyo, Sheemo soo qaxaye,
dad Nicmadu la shaacday ahayd, shabacday oo jiiftey,   
Shukri baa la waayiyo inay, Eebbe sharaftaaye,
kibirkii sharlow nagu salladay, duul Shakada buuxa,
Sheedduu idiin taaganyahay, sheexi bowdkana e,

hadduu Shalay mid tuug ihi i shiday, Qaxa i shuukeeyey,
adna maanta shafka ii tuntood, Sheelo igu tuurto,
ood sidaan Shamuurey ahana, igu shubee Jeelka,
Shanya toban cishana ila sugtiyo, waxad shareecaysay,
+
ma ogtahay inuu Shaahidkey, Sheedda kaa deyayo,
Shashabley Adduunyaduna ay, beriba Sheer joogto,
oy Shujaac ninkii Shalay ahaa, maanta shidanayso,   
+
qof kastana Shin buu leeyihiyo, Zaman la shaacaaye,  
ee haddaad Shujaac weli tahoo, lagu sharfaayaaye,
waqti aan Shallaay waxba tareyn, Shila ka sii fiirso,

Haddii aan shiraacdeen dhibkaan, sheego sababtiisa,
inkastuu Shiddiyo hoog yihiyo, Sharu waxay qaaddo,
oon Caqliga shaqeeyaa dhigayn, Qodobbaduu sheegi,
Shaqsi xumi ha jiro ma arxamaa, ubadki shaydaane, 
Shicibkaan Maleesiyase waa, Sharaf dadkeediiye,
+
oo inaan shakala liidanniyo, eegin Sharadkoodi,
annagoo sidii duul shuftaa, laylka shuqufayna, 
indhahay shamuuqaan in badan, naga shareeraataane,
noomana shakaalaan wuxuu, qori Shareecoodu, 
awel horena shibbis may imaan, iyo Shalaamboode,

Sharcigaana shaydaan la mida, waxanu sheegaayo,
shaqsigaygu  Qiil baan ku siin, waxa shidaa qiiqa,
ee shartiyo beloo dhami waxaa, Shurugga noo keenay,
Shuftadii na raaftee Dalkii, nugu shabbaaxaysey,
+
oo duhur Shagaariya habeen, shabiyadaa haysa, 
oo Shingaani naga soo rariya, Sheeddi Xamarweyne, 
annagays shafnoo Nolosha iyo, diidnay Sharafteene,
maxay baan u sheegtaa Bujuun, Shaaha alamkaani?

Shilke iyo Baroonkii na miray, Shagaxdu yeeraysey,
Shinni beliyo mooryaannadaa, Sheedda naga eegta,
ee markay na shuufaan annaga, Shaafto nagu qaada,
oday Shayba oo Madax cadoo, Caqli shamuuroobey,
baas nagu shamuumiyo colkii, nagu shabbaaxaayey,
oo nagu shiddeynayey halkuu, Shaahid nagu beeray,
+
oo haddana na soo shabinayee, Qaxa na shuukeeyey, 
Shangahaay dartood baan u nimid, Shaaha alamtaane, 
annagays shafnoo Nolosha iyo, diidnay Sharafteene,
maxay baan u sheegtaa bujuun, Shaaha alamkaani?

Wiilka Shiinkan sababee isagu, keenay Shicirkaani, 
baskuu raaci jirey Shaafi iyo, Shaabki la af duubay,
inkastuu Shiddiyo daahid iyo, Socod shuluuxeeyey,
shaaggiyo Matoorkiyo markey, Shanqaru soo yeerto,
shamuuxdiisa goortuu maqlana, Shagax is deynaayey,
+
oo Shicib Muwaadini garaa, Shuuxle imadkiisa,
ma Shanshiyo Nin Gacan laga xiruu, yahay Shariifkaasi? 

Shibbis iyo markuu joogey Hodon, Calanley sheeddeeda,
Shakal weyne Yuudhii wuxuu, shaaximoo buriyo,  
Shixnadaha Baddiyo Doon wuxuu, rido Shabaagteeda,
Shafka wuxuu u baacshee Xarkaha, Shishe u tuuryeeyo,
oo libaaxa Shaaggiya kalluun, Shirimmi soo saaro,

Shaaqi iyo Batroonnimo wuxuu, Shuqul u taagnaado,
Shanya toban rugoo Halaqu uu, shululugeynaayo,  
Shufya Naar ka bood iyo halaag, Shilalka baabuurta,
Gaajada Arzaaq lagu shedee, lagu shuqaynaayo,   
Shiddo iyo Dhibaatiyo wuxuu, Shaafto uga keeno,

Muslimnimo mid sheegtoon weligi, Shaqo u foofaynin,
ee Qoray shakaalane kulyoon, Shilin xun raadaaya,
Shinka uu isbaaraw dhigtee, Shaawda baaranayo, 
la shahiid haddii uu yiraa, shabina mooryaanka,
inuu Shunufta gooyiya isaga, Shiishku inu qaado,
ama waxay shubaayaan tagee, Shayb odaya leefo, 
welibana Agoon shaah cabee, Shuutka ugu geeyo,

markuu Shawrku marayee taladu, laba sharood joogto,
mid walbaana Sheer ay la tahay, Sharara naarteedi,   
Shar intuu hagoogani lahaa, shiili laa Dunida,  
Shiinays inuu hoos taguu, doortay Shalaydiiye,
+ 
Muslim sheegte Buudhaa ka roon, Shaqo wadaagtaane,  
annagays shafnoo Nolosha iyo, diidnay Sharafteene,
maxay baan u sheegtaa Bujuun, Shaaha alamkaani?

Shimbirtii yareyd ee Alliyo, Shaahid qiranaysey,
Shaxshaxley Randiyo Ciise oo, Shilin ka dhawraaya,  
oo hadduu u shiidayo jirkiis, dhiigganaw shubayo,
amuu Wiish Shafkiisii galoo, sarena loo shuuday,
aan Shay dareemaynin oo, soo shubta un haaya,
goortuu u shaqo tegi jiree, dhididka shuuqaayey,    
Qofka kaas shaakaalee xiraa, Shayna muu oga e, 

in Shabeel kuwii Shalay ahaa, Jananna shuukeeya,
hadba Shaarubbada miiqan jirey, Samada shuufaayey,
Shawlahaa in Dibir lagu dhiftuu, Sheekadeed heline, 

Wiilkan uu haleelee Shilkani, Sheelo ku aruurshay,
nin shahiidi baa tahay Carruur, Shaah u raadsadaye,
shaydaan dembuu dhigay ayaa, dhaliyey shuushkaane,
zamankaanba shabbahaaddu way, shalammadaysnayde,
+
in nin raga Shakaal lagu xiree, sheeme lagu biirsho,
waa shey intuu jirey Adduun, shaacsanaan jiraye,
Nabi Yuusuf sheekadiba waad, aragtay Sheekhoowe,
samir yeelo "Sharaf" baad tihiyo, Nolol Shahiidkeede,

in yaroonba sheeg-sheeg lahayn, Shanaba mooyaane,
wadaaddada ku sheeg Shuura iyo, Shucara iibsaaya,
ee aan marnaba sheexin ee, Shaybta ka ugaarta,
oo xaqiiqda sheeloo qarshoo, Shilinka dhaafsaaya,
oo Shukada hagoogtee Islaam, magaci sheegaaya,
oo wuxuu shafeecsado ilkaha, Hilib u shookeeya, 
ee Caammadana Sheer la aho, shiriya Goofleyda,
ee Wan shilis Baruur & Sharuur, Buna la shaacaaya,
siyaarana ku soo shuba yiraa, Sheekha maradiisa,  
waa kuwa na soo shabiyey oo, dhigay Shuruucdaane,
Shaahidow Allow meel u shabi, duulkan shurakoobay, 

mid sunnada shakaashoo dareys, shuluga soo qaata,
oo shaash iyo qamiis iyo garkoo, shaawda la ekaaday,
shaxshaxdaasi laa xawla iyo, qira shahaadaadka,
ee carab shaxaadkiyo u taga, Shaariqiyo Dooxa,
+
sharqigii Sacuudiyo khaliij, oran shuyuukhdooda,
fuqaray naftii shiiqi iyo, qoysas wada shiida,
ayun baan shafeecood ahiyo, weliba sheekhooda,
oo shingaani iyo waaberaan, shalay ka soo dhoofay,
Diin shareerte mooryaan sharloo, shunuftu waynaatay,
oo shicibka soomaaliyeed, sheegan magacooda,
+
ee shixnado ka soo rarahayiyo, timir shaloongaysa, 
dabadeed samaysaa Shirkado, doolar shabinaaya,
oo si loo sheegsheego oo, sheelo magaciisa,
shiiqsi yar u daadiya middii, indho shareeraysa, 
waa kuwa na soo shabiyey oo, dhigay Shuruucdaane,
Shaahidow Allow meel u shabi, duulkan shurakoobay, 

in yaroonba sheeg-sheeg lahayn, Shanaba mooyaane,
Oday Shayba oo sida ibliis,  shuruggi uu raaco,
oo Carruurta shiilaaya oo, Dhiigga shubanaaya,
Shamsadii timaad Beri gashow, Subixi soo shaaca,
shucaaceeda goortuu arkee, shuufi karo Waaga,
Colaadaha shidaayoo yiraa, Shurufle wiilkiisa, 
Jufadeennan reer Shuuriyeen, shiriyey mooyaane,
qofki aad ku shuuftaan Dhulkaan, Shiishka qabadsiiya, 

oo reer Shamuureey diloo, shabiya Geelooda,
oo Saqiirka Shalaqbeen dhaliya, Shidane googooya,  
waa kuwa Shilkaan sababay oo, dhigay Shuruucdaane,
Shaahidow Allow meel u shabi, Duulkan shurakoobay, 

in yaroonba sheeg-sheeg lahayn, Shanaba mooyaane,
siyaasiga ku sheeggaa xumee,  Shunufta weynaaday,
Shandad quri ka taal geyigayaga, Shilin u soo dhoofay,  
Sharwadaha damiirkii dhintee, dilay Shucuurtiisi,
een laga shinseyn Qaran inuu, Shufa yarow daarso,  
oo Sharafti Soomaaliyeed, Shalaw ka tuuraaya,    
Dawlad quri shaqayn karin haddii, shalay la soo doortay,
+
shar kuwaa kulyoon ugu codayn, misana shuudaaya,
waa duul Shaqaaqiyo Dab iyo, Shiil la daba taagan,  
waa kuwa Shilkaan sababay oo, dhigay Shuruucdaane,
Shaahidow Allow meel u shabi, duulkan shurakoobay,

oo kuwo la soo sharribay oo, Shaandho lagu haadshay,
oo qabiil ka shaafiyon aqoon, belo la shoobshoobay,
Shuuradeenna Eebbow ka yeel, Shaaric baa tahaye.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk