Shacab wada sibaaba, 09-06-2015 03:30
-----SH-
In yaroo la sheeloo, la qarshoo la sheegayn,
cidi shaacin mooyee, Shacab wada sibaaboo, 
-----S----

waayeelku sirqo iyo, Oday sirira yahay oo,
Sebi ay ka liitaan,

Welibana Safiih iyo, saqiir baa u taliyoo,
Subax nool xasuuqaya, Su'aashaasi car ayaa,
jawaabteeda sixi kara?

------------GBY-----
In yaroo si loo sheego jirin, sifa yaraantooda,
oon samo u leexiyi karayn, sinnaba mooyaane, - xumaha soomaali ---
Shacab wada sibaabuu xukumo, sebiga soo biira
sacsacaayo waayeelku oo, talada seegaayo,
oo uu safiih maamuloo, mariyo seeftiisa,

subax nool safiihaasi iyo, sebigu uu laayo,
waalidkuna sacabka uu tumoo, saxo xumaantooda,
waa waxa somaaliya ka dhigay, furun sagaalleeye,

sii beesha caalamkay saddaqo, sacabbo taaggeeda,

Samiicow salaamiyo samaan, sacabadow doogtay.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk