Shabaqa soo geli! 02-02-2006
Maansada Shabaqa soo geli oo soo baxday 02-02-2006, waxayna ku saabsanayd Shukri maxamed oo ahayd gabar aan qaraabo nahay oo ilaahey qurux iyo dabeecad siiyey, waxanna arkay in aanay guursan iyadoo 20 sano kor u dhaaftay, waxanna marmar ka maqli jirey waxaas ma jecli iyo neerfis baan ku noqdaa, markaa baan is iri, malaha gabadhan dabci xumi baa lugu nacay, balse anigoo habeen telefoon kula hadlaya baan ku iri shukriyey maxaad u guursan weyday, waxayna igu tiri ma anigaa guurka haya Allaa hayee, iyo maad dadaashid, markaa bay ii sheegtay in ay nin ay ballan meel dhigteen uu dibedda aaday, markey 10 sano sugayseyna uu yiri kuma rabo, haatanna ay nin kale oo 3 naagood qaba, ay 3 sano sugaysey welina sugayso, markaa baan gartay inaaney xumayn ee calafkeedii dhimmanyahay, waxay kaloo ii sheegtay in ay xoogaa xanuunsanayd beryahanba, markaa baan maansadaan SHABAQA tiriyey tiriyey 02-02-2006, waxayna ahayd:
 
In kastoo shiddiyo khayrka uu, shaahid garanaayo
shafka hadal ka reemaan shukraay,  kuu sharraxayaaye
shalay waxan ku moodaayey oon,  sheedda ka qiyaasay
markaad madax adayg sheegatiyo,  shaadali kulaylka
iyo shaabnimadad dhaaftay eed, hore u sii sheexday
inu kibirku sheer kuu yahood,  kuna shaqeyseydey
ood caro la shiilmayso ood,  kari sidii shaaha
ood guurka uga shiiqday iyo,  taranka shawrkiisa
ood kii shukaansiga rabana,  dhagax ku shiideysey

ha yeeshee shukraay sheekadaad,  xalayto ii sheegtay
shamsadii sideediina aad,  shaaca uga qaadday
ayuu shaadiyaay shurug xumiyo,  shuushki uu baxaye
waxan laabta shaabbadiyey oon,  sheelo sii dhigayna
inu samirku shaarkaaga yahay,  shaalkiyo go'aaga
oo calafku kula shaacay iyo,  sheexiyo xishoodku.

waxase aad shariifoy ogaan,  ina maxaad shaafi
kumannaan shabaab soo dhalee,  shilin ku soo beelay
inu shiish ka laayiyo rasaas,  lagu shabbaaxaayey
ama qaar Shuhuur iyo siniin,  guurka shabinaayey
inaaney shinseyn shey quroo,  saakay lagu sheego
shaydaanna qaar baa dhaliyo,  cadow shirqoolaaya
oo aabbihii shire diloo,  Shuuto kala gooyey
bal middaa shifaysoo walaal,  geli shallaadkaaga.

cuqdadlow sharlow baa jiroo,  laga shahaataaye
kol haddaad sidaad sheegtayoon,    shuufay aad tahaba
uurkaaga shuush geli mayiyo,    belo shamuureeye
sharaxaa i deeqiyo Calool,    Shaafi hadalkaaye
bal middaana waan soo shubee,    geli shallaadkaaga

aan soo shakaaloo xarfaha,    shiinka soo xiro e
shakuurow adaan beri gashow,    kuu shukrinayaaye
adigaa ka shaafiya ciddii,    xumo ka sheegeehe
shukri baan codsaa oon shahiid,    ahay shafeeceede
allow tii shifowdoo ka yeel,    shabisa awlaadda
oo shabaqa soo geli midkii,    Calafku soo shuuday.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk