Shabaqa soo geli! 02-02-2006
Maansada Shabaqa soo geli oo soo baxday 02-02-2006, waxayna ku saabsanayd Shukri maxamed oo ahayd gabar aan qaraabo nahay oo ilaahey qurux iyo dabeecad siiyey, waxanna arkay in aanay guursan iyadoo 20 sano kor u dhaaftay, waxanna marmar ka maqli jirey waxaas ma jecli iyo neerfis baan ku noqdaa, markaa baan is iri, malaha gabadhan dabci xumi baa lugu nacay, balse anigoo habeen telefoon kula hadlaya baan ku iri shukriyey maxaad u guursan weyday, waxayna igu tiri ma anigaa guurka haya Allaa hayee, iyo maad dadaashid, markaa bay ii sheegtay in ay nin ay ballan meel dhigteen uu dibedda aaday, markey 10 sano sugayseyna uu yiri kuma rabo, haatanna ay nin kale oo 3 naagood qaba, ay 3 sano sugaysey welina sugayso, markaa baan gartay inaaney xumayn ee calafkeedii dhimmanyahay, waxay kaloo ii sheegtay in ay xoogaa xanuunsanayd beryahanba, markaa baan maansadaan SHABAQA tiriyey tiriyey 02-02-2006, waxayna ahayd:
 
In kastoo shiddiyo khayrka uu, shaahid garanaayo,
shafka hadal ka reemaan shukraay, kuu sharraxayaaye,
shalay waxan ku moodaayey oon, sheedda ka qiyaasay,
markaad madax adayg sheegatiyo, shaadali kulaylka,
iyo shaabnimadad dhaaftay eed, hore u sii sheexday,
inu kibirku sheer kuu yahood, kuna shaqeyseydey,
ood caro la shiilmayso ood, kari sidii shaaha,
ood guurka uga shiiqday iyo, taranka shawrkiisa,
ood kii shukaansiga rabana, dhagax ku shiideysey,

ha yeeshee shukraay sheekadaad, xalayto ii sheegtay,
shamsadii sideediina aad, shaaca uga qaadday,
ayuu shaadiyaay shurug xumiyo, shuushki uu baxaye,
waxan laabta shaabbadiyey oon, sheelo sii dhigayna,
inu samirku shaarkaaga yahay, shaalkiyo go'aaga,
oo calafku kula shaacay iyo, sheexiyo xishoodku,

waxase aad shariifoy ogaan, ina maxaad shaafi,
kumannaan shabaab soo dhalee, shilin ku soo beelay,
inu shiish ka laayiyo rasaas, lagu shabbaaxaayey,
ama qaar Shuhuur iyo siniin, guurka shabinaayey,
inaaney shinseyn shey quroo, saakay lagu sheego,
shaydaanna qaar baa dhaliyo, cadow shirqoolaaya,
oo aabbihii shire diloo, Shuuto kala gooyey,
bal middaa shifaysoo walaal, geli shallaadkaaga.

cuqdadlow sharlow baa jiroo, laga shahaataaye,
kol haddaad sidaad sheegtayoon, shuufay aad tahaba,
uurkaaga shuush geli mayiyo, belo shamuureeye,
sharaxaa i deeqiyo Calool, Shaafi hadalkaaye,
bal middaana waan soo shubee, geli shallaadkaaga,

aan soo shakaaloo xarfaha, shiinka soo xiro e,
shakuurow adaan beri gashow, kuu shukrinayaaye,
adigaa ka shaafiya ciddii, xumo ka sheegeehe,
shukri baan codsaa oon shahiid, ahay shafeeceede,
allow tii shifowdoo ka yeel, shabisa awlaadda,
oo shabaqa soo geli midkii, Calafku soo shuuday.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk