Shaagagga adkeeya, 30-01-2019
Tix-Raac FB, Gabay Baqashii Suudaan, iyo Video  Qoraal
Maansadan yare Shaagagga adkeeya, waxay ahayd Faallo yar oo FB ku jirtay oo aan u haystey kaftankii FB ayaan aragtidayda caadiga ah ka dhiibtay, balse markaan helee aan dhegeystay gabaygii laga hadlayey ee BAQASHII SUUDAAN, ayaan ogaaday inaysan kaftan yar ahayne Kaftan-weyne tahay, markaa ayaan dib ka raaciyey qaybta dambe:

Dal dadkiisi la shiraystay ee, shacabki ooyaayo,
oo qabiil ku shookinahayoo, Shishaca saaraayo,
oo qaraxu shagaxdaa hayoo, dhiiggu shalaqleeyo,
oo shisheeye sheer ugu noqdeen, kala shirayskooda,
shaacirkoodi sixi lahaa inu, Shiinley ku abaado,
oo dameer nin shaaximahayiyo, Baqal ka sheekeeyo,
shacabkaasi shurug uma dhinniyo, odagi shaydaane,
dal shiraacday oo lumi raboo, Shubaya sow maaha?

OOOOB! OOOOB!

Shiish baa khaldamay oo Kabdhood, weli shisheeyaahe,
Kaftan iyo dad sheekaysan baan, mooday Shiribkaase,
Shaqalladi markaan raadiyoon, shidayna Yuutuubki,
dib waxaan ka soo shuufay oon, Shiinka ka ogaaday,
in dameerka shaaximan ahaa, Shuqulki siinleeye,

inkastoo Shir khayr liyo la rabey, oday la shuudaayey,
innagay na wada shuudday oo, hurisay Shaalkeene,
waatay Shallaay keentay iyo, Sharara naareede,
dib u shuufa waxay Shuush beliyo, Shara hoggaamaysay,

halkii aan Sharaab cabidda iyo, Shashable raadaynay,
Shab waxay na soo siisay meel, Halaqu shuukeeyo,
oo Jirriga Shabaqiisi bay, Shuutka nugu geysay,
waana kuwan Shabbaaxiyo dilkiyo, Shiishka nala eegta,

ee haddaad ka gaartiin Shartiyo, Shuushka keeda ahe,
Qabaliyo ku shiishiyo wixii, Shuruggan noo keenay,
oo hoggaanka Shiinleyda iyo, leexsha Shumaceeda,
oo dameerku waa Shay horiyo, Shaqo billawgeede,
waxa lugu shaqeeyaa gantaal, Dayaxa shiishaahe,
Fardaheenna noo shaaximoo, Shaagagga adkeeya.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk