Shaafici Adeer, 07 Jan, 2006
Shaafici adeer iyo,   farxiyoo sharmaarkaa
salaan uu shinkeed galay,   Shareecadi islaamkana
lugu shaabbadeeyaan,   min Shingaani waaberi
ilaa sheedda Noorwey,   shamsadaa dhexdeenniyo
shuux iyo mahiigaan,   shucaac baan ku soo diray.

aan sii shiraacdee,   shaafici markii aad
ii sheegtay gabadhiyo,   beesheeda sharafta leh
eed shaacisaan iri,   Alla shaahid baan ahay
beel lala shirkoobee,   nolol lala shafeecsado
shaafici inuu helay.

Magacooda shiinkuna,  waa reer shar ma arkoo
shiddadayba diidaan,  ereygaa an sheegana
shuhuud waxan u haystaa ,  dowladdii shanlaydiyo
shuucigi markuu tegey,  ee shuush ka sii daran
shab na soo yiraahdeen,   shicibkaan miskiinkee
shilke iyo dhashiikaha,   lagu kala shiraystoo
lugu soo shabbaaxayey,   beelihii shufteynayey
kuma jirin shar maarkuhu, midu shaal ka boobiyo
midu shaah ka xoogana,   lama sheegin berigaa.

Miisaan ku shaafiya,   haddaan gaar u soo shubo
salaantoo la sheeriyo,   nabaddaa ku shaacdee
ha illoobin shicibow,  shardigaa waxaa yiri 
nabigeenna sharafta leh,  ee mar aan shaqeynayey
Fooniye ku sheelnaa,   qof kastoo Shar maarkaa
hadduu sheedda soo galee,   Taarkiisa soo shido
lama sheegin isagoon,   salaan kugu shareereyn.

Dhanka kale shariifiyo,  Farxiyaan u sheegiye
inkastoo ninkii shidee,  Diintiisa shaabbaha
sharaftiisa uun tahay,   farxiyaayna shaafici
waa wiil shabaaboo,   abtigey shallaadkiyo
dikrigiisa shubayaa,   shaafici inoo dhalay.

Shishe uma gudbaayoo,   ma sheegsheegi karayee
cabdi sheekh adeerkaa,   in xalaal shifaystaha
sheekheedi uu yahay,   dib u eeg shariifaay
curadkiisi shiidee,   kobtarradu shiraysteen
isagoo shar moogoo,   shaki aan ka qabinuu
teebkii sharaysnaa,  Khamiis uu la soo shubay

Shandaddii Bashiir buu,   aabbihi sharaystoo
shaabuug la soo baxay,   oo shabiyey buu yiri
xaaraantu waa shile,   gurigayga shuud iyo
shey hayga soo gelin.

Shayb horaa wuxuu yiri,   habaar kuma shiraystee
xaqu yuu ku shiiline,   Shan daqiiqo dabadeed
markuu Shirixa laabee,   Shanshadiisi jeediyey
buu Shiish haleeloo,   la soo sheegay maydkii.

yuu shiinku ooddiyo,   ila jiirin Sheeddee
mar haddaad shirteen ood,   is shukaansateen ood
showr aad ku gaarteen,   guurkiinna sharafta leh
ee cid idin shabbaaxdee,   idin shabisay ay jirin
waa inaad shuhuuddiyo,   shiikhii khudbaynayey
shaqalkoodi dhowrtaan,   oodnaan shallaynoo
tacab Shiidle ay noqon.

Weli waxad shabaabow,   Shafka aad ku haysaan
shuruggiis ha raacee,   shaydaan inuu jiro
labdii shirkowdaba,   caqligooda Shaam iyo
Shiinaha u kala dira,   oo nabad shuraakiyo
noloshoo shaqaysaa,   sheeggeedu dhibayaa.

aan soo shareeroon,   maansada shakaalee
Ilaahow shahiidow,   waan kuu shukrinayaa

Labadaan shabaab ee,   qirayaan Shahaadada
ka ilaali Shuushkiyo,   shar afuufayaashiyo
shaydaan wareegaya.

Shirkan tii samaysana,   Ramlo Sheekh waxaan iri
tii shaacinaysee,   u shaqaysan guurkaan
una xiratay shaar iyo,   shaash iyo Guntiinoo
shabshabliyo ciyaar iyo,   Sharaxii arooskaa
in Ilaah shiddeyn bey,   Shaadali karaysee
Eebbow Shakuurow,   Adigoo shir khayrliyo
adduunyada ku shaafiyey,   kuwa loo shafeecayo
iyo shuhaddadaadii,  Aakhiro ku shaandhey.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk