Shaafici Adeer, 07-01-2006
Shaafici adeer iyo, farxiyoo sharmaarkaa,
salaan uu shinkeed galay, shareecadi islaamkana,
lugu shaabbadeeyaan, min Shingaani waaberi,
ilaa sheedda Noorwey, shamsadaa dhexdeenniyo,
shuux iyo mahiigaan, shucaac baan ku soo diray.

aan sii shiraacdee, shaafici markii aad,
ii sheegtay gabadhiyo, beesheeda sharafta leh,
eed shaacisaan iri, Alla shaahid baan ahay,
beel lala shirkoobee, nolol lala shafeecsado,
shaafici inuu helay,

Magacooda shiinkuna, waa reer shar ma arkoo,
shiddadayba diidaan, ereygaa an sheegana,
shuhuud waxan u haystaa, dowladdii shanlaydiyo,
shuucigi markuu tegey, ee shuush ka sii daran,
shab na soo yiraahdeen, shicibkaan miskiinkee,
shilke iyo dhashiikaha, lagu kala shiraystoo,
lugu soo shabbaaxayey, beelihii shufteynayey,
kuma jirin shar maarkuhu, midu shaal ka boobiyo,
midu shaah ka xoogana, lama sheegin berigaa.

Miisaan ku shaafiya, haddaan gaar u soo shubo,
salaantoo la sheeriyo, nabaddaa ku shaacdee,
ha illoobin shicibow, shardigaa waxaa yiri, 
nabigeenna sharafta leh, ee mar aan shaqeynayey,
Fooniye ku sheelnaa, qof kastoo Shar maarkaa,
hadduu sheedda soo galee, Taarkiisa soo shido,
lama sheegin isagoon, salaan kugu shareereyn,

Dhanka kale shariifiyo, Farxiyaan u sheegiye,
inkastoo ninkii shidee, Diintiisa shaabbaha,
sharaftiisa uun tahay, farxiyaayna shaafici,
waa wiil shabaaboo, abtigey shallaadkiyo,
dikrigiisa shubayaa, shaafici inoo dhalay,

Shishe uma gudbaayoo, ma sheegsheegi karayee,
cabdi sheekh adeerkaa, in xalaal shifaystaha,
sheekheedi uu yahay, dib u eeg shariifaay,
curadkiisi shiidee, kobtarradu shiraysteen,
isagoo shar moogoo, shaki aan ka qabinuu,
teebkii sharaysnaa, Khamiis uu la soo shubay,

Shandaddii Bashiir buu, aabbihi sharaystoo,
shaabuug la soo baxay, oo shabiyey buu yiri,
xaaraantu waa shile, gurigayga shuud iyo,
shey hayga soo gelin.

Shayb horaa wuxuu yiri, habaar kuma shiraystee,
xaqu yuu ku shiiline, Shan daqiiqo dabadeed,
markuu Shirixa laabee, Shanshadiisi jeediyey,
buu Shiish haleeloo, la soo sheegay maydkii.

yuu shiinku ooddiyo, ila jiirin Sheeddee,
mar haddaad shirteen ood, is shukaansateen ood,
showr aad ku gaarteen, guurkiinna sharafta leh,
ee cid idin shabbaaxdee, idin shabisay ay jirin,
waa inaad shuhuuddiyo, shiikhii khudbaynayey,
shaqalkoodi dhowrtaan, oodnaan shallaynoo,
tacab Shiidle ay noqon.

Weli waxad shabaabow, Shafka aad ku haysaan,
shuruggiis ha raacee, shaydaan inuu jiro,
labdii shirkowdaba, caqligooda Shaam iyo,
Shiinaha u kala dira, oo nabad shuraakiyo,
noloshoo shaqaysaa, sheeggeedu dhibayaa.

aan soo shareeroon, maansada shakaalee,
Ilaahow shahiidow, waan kuu shukrinayaa,

Labadaan shabaab ee, qirayaan Shahaadada,
ka ilaali Shuushkiyo, shar afuufayaashiyo,
shaydaan wareegaya.

Shirkan tii samaysana, Ramlo Sheekh waxaan iri,
tii shaacinaysee, u shaqaysan guurkaan,
una xiratay shaar iyo, shaash iyo Guntiinoo,
shabshabliyo ciyaar iyo, Sharaxii arooskaa,
in Ilaah shiddeyn bey, Shaadali karaysee,
Eebbow Shakuurow, adigoo shir khayrliyo,
adduunyada ku shaafiyey, kuwa loo shafeecayo,
iyo shuhaddadaadii, aakhiro ku shaandhey.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk