Seed ku qaramaysay? 08-06-2005
Maansadan tobanka bayt ah ee Seed ku qaramaysay oo toban bayt kaliya ah soona baxday  28 June 2005,waxay ku saabsantahay soomaalidan maanta badankeed waashay oo miyirka laga qaaday oo xataa mayd jeebkiisa baaranaysa, haddana rabta in aad ammaanto oo aad ku sheegto in ay yihiin dadka caalamka ugu wanaagsan, dadkan oo markii ay isirkoodii dheddigga xaqireen, buuggana ka saareen, kaddibna si joogta ah u gumaadeen ayaa habaarkii miyirka ka qaaday, maansaduna waxay tilmaamaysaa oo warkuba ku koobanyahay inta aad dembiga aad asalkaad ka soo jeeddaan ka gelaysaan ka tawbad keenaysaan weligiinba shira oo shirar isugu imaada, waxba kama soo baxayaan dhiig iyo dhiillo mooyee, waana tan:-

Qaniimaadka maal iyo adoo qarash ku soo maagay 
qunful weyn qolkaagii markaad qalaf ku soo siisay
in quraanjo qufulkaas jebee kuma qancaysaane
waxa taa ka sii qaab xumood qiil ka dhigateenna
qoomkii habaar biisha ee kibir is qaadqaada
ee waalidkii qoomay ee qaaqda kaga siiyey
qaaddirkey markuu soo qabtee jeel ku qirinqiiro 
iyagoo sidii ugu qab weyn tawbanaan qiranin
in shir ay qalqaalsheen iyaga roob u soo qubayo
soomalaay qasaartaye warkaa seed ku qarameysay ?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk