Sarbeebtay ku roontahay, 22-11-2017
Adeer wuxuu yiri:
soddoh weeye xeeradu, ragna waa u simantahay,
ninka suunka taabtee, ka salgaari waayow,
garo inaad sabool tahay. 

waa siinleydii iyadaa jawaab u ah.

JAWAAB:

Soddohdiyo Adeerow, Xeeriyo Saboolkaa, Zamankaan haddaan nahay, fahmi mayno saatane, haddii aan Sarbeebtiyo, Siinka muuji dhihi lahaa, Saacaddaan an joogniyo, halkey subaxan mari bay, Sarbeebaha ku roontahay, oo Suntii xumayd iyo, way qasmeen Samaantii. Siinlayda waagii, Janan laga sarriigtiyo, Saqiirkays qarxaayiyo, Sargaal weyn ha joogee, caammaa subcaysoo, safka hore dagaallada, Saanaddeeda sidatoo, Saatirkeenna kasekow, Aakaw sarraynayey, maynaan aqoon Sebi, miinaysan sabarkoo, Seken iyo ilbiriqsiga, Sagaal boqol halaajoo, hubka kii sameystiyo, Saraakiili cararee, Zaciimowse haatadan, waxay saaka joogtaa, Saatirkeenna ka megene, Suun oonnan taabanoo, --- Sagaal Boosas u jirnaa, Boor intuu na saaqoon, hortiis siiba suuxnaan, Nugliyeer sidiisii, Samadaa geleynaa. waayihii Sibaabkee, Jansuuradu sarreysoo, dhan quraata seeftu ay, wax ka sari taqaannee, Isha ruuxi saaraa, Soof dheer ka roorayey, way dhaantey sidan iyo, Suntan reer ujeeddo badan, ----- Meeshii sareysee, afka Seefta loo yiqiin, ayaa noo saruuraa, Nabad & salaamaa, sidaa aawadeed baan, Saatirow un mooyee, Tiihu uu sarreeyaa. Sagaashanya kowdii, wixii sii horreeyee, Afkii baa Sawtkiyo, juuqdii ka saan go'ay, lagu siiqadayn jirey, Subag bay ahayd iyo, Beryo noo samaadkii, oo haddey silloontahay, Tiihuna sarreeyaa. inkastoon Samaantiyo, Suubbani idlaan weli, Saldaniyo ha joogtiyo, Qaran salabadiisiye, balse guudka siday tahay, isha saamaseeb oo, hareeraha subaaliye, adoo Saatirkaagiyo, Suurkii Qiyaamiyo, Siraadkiisi eegaya, oday iyo siyaasiyo, Suufi iyo culummaba, Dacaskaad sidaysiyo, Sajaayadad ku fadhido, cidad Saakaw dhiibtood, Subaxaan ku aammini, Berritana sideedii, kugu soo sallimi oo, Naaqus li'i ku siinaya, indhahaa ma saartaa? mana ahan Subxaankee, inuu Saalix jirin oo, weli way saqirantahay, Jaanis waannu sidannaa, Soomaali may dhiman, ma idlaan Samaan doon, Dhulna waa sidiisii, ee Saatir waynaa, Sahankiyo dariiqiyo, Surunkeedi xiray oo, dulmigaan samaynaan, Zaraciisi gurannaa, Suddusleydi Yuusii, Suuraddii Nisaad oon, Tawbaddeed la suubbina, sidan noo gelaysoo, weli qoorta noo suran Sidoo kale Tusaalaha, Sidaa waxay ku taallaa, --- Huud suuraddeennaa, Sadar aayaddeedaa, ------ Toddobaad sabbaynayo, lambarkeeday sidatana, ----- Boqolya Labo saloolaa, bal suuree waxay qori, sifadaa miyeynaan, ku sugnayn Zaciimow ? ma dulmi an samaynoon, Sababteeda qabaliyo, Saqiirraw gawracnaa, Subaxaan inoo dhimman? aan soo shakaaloon, soo xiro albaabkee, Zaciimow Adeerow, Saatirkeenni dhawryow, Jannadiisi siiyow, Saaxiib dul qaad iyo, Samir lagu yaqaannow, hal Sentiyo waxaa aan, Sanuud nooga baahnayn, oo samahariiriyo, soo af-jaraya Tiihaan, Siin ujeedda badankana, saamayn ku yeelayn, maan samayno haddoon, ku dhaqaaqno saacaan! inta Saama layshee, Softiweer wareershoo, Saybarowya Saamsuun, Laabtoobka Sooniyo, Moobayshu sidataan, sarbeebta uga bixinon, fasirkeeda siiniye, waa Rixin sabooloo, ka salwaya Qabuurtoo, Siniin iyo siniin hore, sidii iilka loo dhigay, Saddaqaan u hurniyo, Ducadeenna suganayey, Sababtaan daliilshana, iskamanaan samaysane, Suuradaha Qur'aankiyo, Suubbanaa horow yiri, yeynaanba Senti iyo, Sed aynaan u quurine, oon Hasha sawaal dheer, awliyada sidoodii, Sool iyo Harraad badan, Wardheer ugu socdaaline, oon Soofka Xooliyo, daribta iyo soortiyo, Caanaha Sibraarkiyo, Summal weyn u geynine, innagoon socdaal gelin, Soonahaan ku noolniyo, dhaafin Seeraheennaa, Duco maw sugaynaa ? haddaan saa ku fiirsanno, sow beeralleydii, intay tii saliiddiyo, Sisintey abuurteen, suganayey Haruurkii, noqon mayno sifahaas! ama cudurkii dameerahoo geela laga gubo ------- --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk