Sanka Biro ta suratiyo, 01-05-2017
Sanka biro tan suratiyo, Sinadii daraaddeed,
Saracdeeda weyn iyo, Sararaha u muujee,
waxa Surucyo sii dheer, Sagaal jeerna ka ur badan,
Qabiiliiste soobbira, Oday samo ku sheeg iyo,
Habar Saawiroo Gaban, key saamalleyl iyo,
Hurdo ay u seegeen, Subixii yimaadaba,
Qabqablaha saqraankaa, oo kiisi Sidni iyo,
ku raaxaysan Seerbiya, Bilaash isaga siinaya,
misna aysan Soolkiyo, wax ku qaadan Samannada.,

Oday wuu na saatoo, Sandareer na siistee,
Dhallinyaro sarow kaca, So'da Hilibka iibkaa,
Jiirtiin la saafoo, lagu iibin Suuqyada,
diida sida laydiin geli,  

Qabaliyo ka saahida, Saatirkiinna eegiyo,
Nabigiinna Suubbane, siday Diintu suubbidee,
Samo noogu baaqee, Dareenkiin u suubbiya,
Ef-Em (FM) hoose soo xira, Samadaasi kor u kora,
Figta ugu sarraysiyo, Soomaali ha ka degin. 
---------------------

 Sanka biro adoon suran,   adoon qaawin sabarrada
oon saluugin midabkuu,   kuu sameeyey Eebbuhu
Soomaali baad tee,    ka sarriigo ceebaha

JAWAAB
Gaagaaleyntaad,  Gardarrada ka guboo
yaan lagaa gar helin,   ugu gashay gulufkeed
Gef yaroo kaa dhacay,   Namaam Gawsa weyniyo
kuwa gura Wararkoo,    Waxaad uga Gol lahayd
Gabaaraa geddiyiyo,    Jaahil haw gacan gelin.  


Girgiraha intuu shido
----------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk