Sandareer, 16-10-2005
Maansadan SANDAREER waxay soo baxday 16-10-2005, markii aan arkay qof baarlamaankii soomaalida ka mid ahaa, balse keligiis ma ahane waa wax caado u noqotay soomaalida kursi doonka ah, inuu marka hore yiraahdo ciiddan Dahab ka dhigayaa, intuu maamulka ka tirsanyahayna khalad kasta oo maamulkaasu galo u difaaco si indho la'aan ah oo xitaa aan xishood lahayn, oo uusan weliba is oranayn, dad aqoon leh oo aan adiga ahayn baa soomalaida ka mida oo hadalkaaga & beentaada ka yaqyaqsanaya, waxaad arkaysaa Maamul kasta ama Dawlad kastoo la dhiso, wuxuu ku leeyahay, waa tii ugu dambaysey ee naloo dhiso, mid dambena naloo dhisi mayo, sidii inuu isagu Qaybka gacanta ku hayo.

Waxase nasiib darrada ugu weyni noqotay in ruuxaasi isla daqiiqadda xilka laga qaado uu boqolkiiba malyan jeer dhanka kale isu rogayo, oo wax aad la yaabto ku hadlayo, ay ka mid yihiin inuu sir halis ah kashifayo, in dalkii & dadkiiba la xaraashayo, habaar qabuhu ma dalkuu ka maqnaan jiroo Japan buu hadda ka soo galay, sow muu ahayn kii shalay difaacayey,  calaa kulli xaal waa tan maansadii:
 
Soomalaay Nin baa jira, sayrinaaya Dhididkoo,
salalaaya qaylada, oo saloogan Duhurkii,
Suuqyada dhexdoodaa, Magaciisa Siinkana,
Sakuunowda la lahaa.

Ha yeeshee Siraadkiyo, Sabadii markaan tegey,
soo eegna aan iri, Saakuun wuxuu yiri,  
maan seexdo Ciil oo, waddaniyo i saaqdoo,
Cadow Siriqya dheer iyo, Silic baa na soo haya,
Dalka waa la solonaa, Dadka waa la siranaa,
lana wada sumaynaa. 

Soomalaay u fiirsada, Qofka saatan yeelaya,
in yaroo Sanuud iyo, San-dareer haddii uu,
cadawgiisu soo diro, Saacad buu is rogayaa,

Walba sabasabayn iyo, intuu Sawtka gaabiyo,
hoos u siiban maayee, Birta Calanka loo suro,
intuu sare u fuuloo, Samaacado ku soo xiro,
Sawt dheer ku oranaa, Samankays beddelay oo,
cadowgeennu Subag iyo, Malab buu na siiniye,
soo dhaweeya maantoo, Sacbiyaay dhammaantiin,

Cadowgeennu Sede iyo, Samabixiye weeyoo,
Xalka lagu siraatoo, Samadaa na geynaya,
isagaa inoo sida, yey na seegin Guushaan,
Sedkii ugu dambeeyoo, nala siiyo weeyee, 

Soomalaay u fiirsoo, hadduu Sebiga Sano jira,
Sawt Ilaah ka keenee, ku yiraahdo Saakuun,
Seerbiyiyo Shiinaha, Sidni iyo Ameerika,
wixi saaka kow ka ah, anigaw sarreeyoo,
Madaxweynahow sida, ee adiguna Saakuun,  
Wasiirkii Sabeentiyo, naylahaan ku siiyee,
soo kaxayso Shicibkiyo, Hooyadaada sawirtaa,  

Somalaay bal eegoo, intuu Sebiga oran lahaa,
maadigaan Saqiirkoo, waxba aan sameyn karin,
welibana Sagaal jeer, akhlaaqdii ku suushoo,
Hooyo iyo Sokeeyiyo, caayaya Siraad Cali,
yaan ku saacidaa oo, gacan aan ku siiyaa ?

Sadarkaas intii uu, Jawaab uu ku siin laa,
wuxuu Saakun qirayaa, Sax inuu ku joogoo,
Sebigaasu Madax yahay, in la saacidaa tahay,
maadaamma Soolkiyo, Soomaali Hooggiyo,
Dhibka kii ka saari lahaa, Sebigaasi uu yahay.

Soomalaay bal ii sheeg, Saacado hortood buu,
Ilmo sayrinaayee, Waxyi maa ku soo degay?

Aan dhammeeyo Siinkee, waxa iga Su'aaloon,
idin kana sugaayaa, dadka Sebennadaan jira,
Summaddii Awoowiyo, Dhaxal inu ku seexdoo,
Caqligoodu saa yahay, ama Sixir inuu jiro,
Noloshooda saanyaday, ayaa kala saxaayoo,
ii kala sifayn kara?

si kaleeto may aha, Saatir oo la caasiyey,
Rixinkoo la suujiyey, Qabaliyo la saaciday,
baa saatan noo galay, sutigaasi noo haya,
ee aan soconnoo, saboolnimo ka tagtee,
ma yeelnaa soomalaay, sida Saatir uu rabo,
sacaadiya Barwaaqiyo, sareeduu na siiniye?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk