Salaadow mabruuk, 11-07-2018
Salaadow mabruuk oo ku soco, Surunka kii toosan,
anoon Siinka dheeraynin oon, badinnin saadaasha,
Samirkaagi biiloo Ilaah, Saalax kugu biiri,

Salabkaan adaa suubsadoo, Seella qaabsadaye,
oo adaa sar-goostoo ka saxay, Laaxin saanyada e,
qalbigaagi saafiga ahaa, sida Cadceeddaasi,
haddii Seeta loo dhigo Wallaa, lagu sumoobaahe, 
sidii roon Ilaahay ka yeel, Sahal amuurtaada,

Samirkaagi goortaan dayiyo, Sifaha aad yeesho,
ood uunka kala soocinood, garannin siirtooda,
qofkii Surunka kuu joogsadee, Siriqda kuu qoola,
isagoo Adduun seegay oo, Saxal ku soo raagay,
Salka Naarti waa loo dhigaa, oo ka selelaahe,
sidii roon Ilaahey ka yeel, sahal amuurtaada,

in kastoon bal sii saayir iyo, oran lahaa sii sug, 
oon Sabanka gaabtiyo waqtiga, yara saluugaayo,
aadse igu taqaan sii sug iyo, seexo gurigaaga,
soomaalidaa waxay tiraa, guurka surucyeyso,
oo Saxar ka saarkiyo ma laha, sii sug iyo daahe,
oo kulayl sidii Gees  Lo'aad, Suudi lagu gooye, 
Sacaadiya u guur meel san iyo, Guri sareedaale,

kumaan siinnin taladoo mabaan, joogin sabadiiye,
kana soco nin tiisii sugaa, reero kuu seda e,
sidaad sheegtay Saatiraa ku yiri, xaalku kuu saxane,
ruux dambood la sii saayirtaa, waa mid saawirahe,
Subag iyo ka dheef Soorti aad, waayo suganaysey.


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk