Sahraay xusuusnow, 17-09-2018
Sahraay xusuusnow inuu, Zaman wareegaayo,
oo saacu kala guurayoo, saakay ka gudbaayo,
oo kii socdana soo noqayn, Suurka ka horowga,
oo Saatir uu kula sugaa, Sirir xisaabeedka
ee shallaay ha suubsanin haddaad, xarigga soohdaaye,
oo ha seegin surunkii Jannada, kugu sagootaaya,

Sarbeebtiyo ujeeddada haddaan, Suufka ka caddeeyo,
saatirkeenna oon caabudnoon, Saafi u ahaanno,
waxa raaci ee noo sugane, nala sawaabaana,
waa Ubadka nala siiyo ee, Saatir naga beero,
oon akhlaaqda iyo siiradiyo, --------
akhlaaqdooda haddaan suubbinnoon, saalax kaga yeelno,
waa sahay la kaydsado middii, ugu sarraynaysa,

wixii shaaric soconaaya iyo, socoto waayeelba,
ruux martiyee salaan iyo u yimid, rixin samaantiisa,
saqiirkaasi sebigee adiga, sabada kuu jooga,
hadduu caay ku saadshiyo wixii, laga sarriigaayey,
oo Sakeel biyaa uu indhaha, ugaga sayraayo,
koofidana uu soo dafee, saiingax uga siiyo,
oo god dheer ugaga sii ridoo, sooma noqotaana,
adna qosolka aad sawraxdee, saxato goortiisa,

haddii ay sabbeynayo siduu, yahay saqaariinta,

mar baan iri Sahraa tiri, --
mar baan iri sidani si ma ahee, waa sidee qisadu,
nin weyn soco lama yiraa, sawtka lugu muujo,
si kalaa bax loo sii yiraa, sabada ii dhaafta,
ee ma sebi wakiilkiisi bay, saanacnimo moodday,
ku sabuuti cay tiri wixii, kicini siirtiisa,

ma nin weyn sociyo lama yiraa, sawt wax muujiya e,
si kalaa bax loo sii yiraa, sabada ii dhaafta,
ayumbay siyaasada waddoo, ------------
si kalawgu sheeg sheekaday, 

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk