Safiyaay walaashey, Adiguna Salaan hoo, 21-09-2017
Safiyaay walaashey, adiguna Salaan hoo,
Sararaha dhexdoodiyo, Saabley ka timidoo, 

min Seerahan Bujuun iyo, Sabadii Albarakaad,
Safar uga timaadoo, iyadoo sabbaynee,
Hawadaa sareetiyo, samaawaadka dhexdood,
sida Miig u duulee, welibana ka saa'ida,

Soonihii Ohaayaad, Seken kuugu timidoo,
kuu sidda farriimaha, Salaan Waalidkaa iyo,
Samaantii Walaalkaa, Sacabkaaga keen iyo,
Qalbigaaga saafiya, isoo saarna kugu oran,

Salaantaasi dabadeed, adigiyo Saqiirrada,
iyo Zawjka kaagaa, saldhiggaad ku nooshiin,
oo Surucya badanaa, kulayl iyo saciiraa,
marna Saamhariira ad, Samir adag ku joogtaan,
Sarreeyihii na uuntiyo, Eebbe haydin saacido.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk