Safiyaay kun la egey, 18-02-2016
Safiyaay kun la egey, Saatirkeenna awgii,
iyo samirka kaagaa, zamankaa ku saaciday,
imtixaanna la socdaa, sadar hoose ugu jiree,
sidrigaa ku haay taa, sulux yeysan kugu gelin.

waano laysku saacido, in badanan ku saadshoon,
kugu soo salaamee, faraskaba sinsaariyo,
jeedal lagu sabuuliyo, may aha ha suuxee,
waa saan ha biirshoo, ha sabbeeyo samadee,

Walaalkii ku saabshoo, samaantaada jecel baa,
kuu sii siyaadshee, sadarkayga koowaad,
saatirkaaga ka cabsoo, sahankii ibliis baan,
seeraynin beladee, sulux yeysan kugu gelin.

Noqon mayside soombiroo, horaad isu sifaysoo,
summal haadya gaajiyo, sahwi iyo waswaas iyo,
salaw aawadiisii, guryo laga socdaalyee,

Noqo taan zamaankiyo, sasabaale roginoo,
markuu Eebbe saacido, ka santaagin Ehelkii,

Ka billow saqiirrada, saanqaadka kula wada,
saamalaylka hurdadiyo, subixii la joogaba,
hooyoy ku sawdaya, surunkay maraayaan,
saatirkii ku uuntaa, berri kaa su'aalaya,

Safiyaay macaaney, sadarkayga sii xiga,
eeg samo badnaalow, Mubaaragoo ku saacidey,
kuu dulqaatay zamankaad, sifihiisa garanee,

Setabaak halkeediyo, Suuqaan Berdaaniyo, 
Sutra iyo biifiyo, Seerihii Malaataad,
saxalyohow ku lahayd, alaabtayda loori saar,

Ha ka saarin laynkana, suyucaaddii wallacee,
soco oo i dhaaf iyo, soco goorman kugu iri,
ayaa saacan imo iyo, soo daahna kugu yiri,
suul dhabaalahaaguu, samirkii Rageed galay.

Waanadu ha socotee, sadarkayga xiga kaa,
Eeddadey samaan jecel, saabirkii adeerkey,
sareediyo barwaaqiyo, suluf iyo colaaddaba,
kugu Saacidaayeen, Sidrigaad ku haysaa,

Ha illoobiin zamankii, labadii samayd ee,
safiyaay caddey iyo, saafi kuula soo baxay,
Saacaddaad u dhalatana, farxadday la sirireen,
qarashkii ay sayreen, saamigii i gaaraan,
weli soo xusuustaa.

Ma dad samaantoodii, laga saaro maankaa,
ma dad laga san taagaa, ma dad Subag carfoon iyo,
Malab aan la siin baa, ma dad aan Subxaankee,
Sacaadadii Firdawziyo, Sariir iyo Firaash iyo,
Barkin loo sameeyiyo, Meel sare la geyn baa?

Dunidu waa silloontoo, waa laga socaa tane,
ma dad saatirkoodii, Samiicow u raxmoo, 
janno sii la dhihin baa?

Ogow oo sanuuddiyo, sentigii ad siisaba,
anuu igu socdaa garo, inkastoon Santaag iyo,
ka sheegayney soohdimo, ogow Seermaweydiyo,
Hilib baynu solonnaa, kulaan isi sawirshoon,
kalluunkaa i siiyaan, amaan Sabadki jayniyo,
Qaawane kasoo dafo, wax baan saadan karayaa,

Balse labada samajecel, waalidkeennu safiyaay,
Saacaddii ay qaraxdaba, miinada salkeediyo,
Bambaa safan agtoodaa, 

Isbaaraa sugaysoo, Sabo aan ammaan jirin,
laga saato Dulumkiyo, Qabaliyo sixrool bay,
ajashooda ku sugaan, Suuqa kooda aadaa,
soo noqodka kiisaa, Saddaqada la bixiyaa,

iyagoon Sindaariyo, dembi aan samaynayn,
Surka oo la gooyiyo, Dil-sugey xukumanyihiin,
haddana saasi ay tahay, waaba loo sed buriyee, 
Sabtidii la soo maray, way socdeen asaaggood,

aan yara xusuustiyo, waayaha socdaaloo,
safar dheer u aadee, hooyadaa saddaqo jecel,
Minimaar saqiirkiis, sanuud ay u raadee,
Kanada looga soo diray, sidaa waad la socotee,

Samankii horeetiyo, saqiirnimada taadii,
Canjeelay samaysee, Sagaal saac Habeenkii,
miiskaa ay saartaa, intuu Aabbe saatuu,
Soomaali eerlayn, sidii biriq u aadayey,
Sanuudduu ka keenayey, naloo saaray Dherigaa,
samankaan na keenee, saacaani maantaa, 
saatirkeenna kasekow, sooma aynu gaarneen,
Abaartii salfatiyo, sulufkaynu raacilahayn.

Saatirow ammaansoo, sabadaan adduunyiyo
sabadoodi aakhiro, u dhammey samaantii. 

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk