Safiyay Dalkayga, 13-08-2005
Safiyaay dalkeygaan rabaa, gabay danaynaaya,
inkastod ujeeddada dambiyo, sheegin dabarkeeda,
haddii ay ammaan daabi tahay, ama dabuubteeda,
ee deelka ina aadaney, Daa-im ila doono,
dibnahayga kama deyn karoo, waan ku daahirine,
oo inan u daadegahayaa, Waajib diiniyahe,
soo doogo sacabbada bal aan, kuu daliiliyo e,

Dalka aad dalbaysee i tiri, daabac maansadina,
inuu Dalag barwaaqiyo Ilaah, raaxo ugu deeqay,
oo daan kastaba Webigu uu, biyaha daadaayo,
oo roobku Dayr iyo xagaa, danabka tuuraayo,
oo ubaxa lagu diirsadoo, Xoolo dararaanna,
baan ruux ka doodeyninoo, diidey oraneyne,

Mar haddiise duul Daab watiyo, Dawdar ku caweeyo,
ee uu dadkiisii Dugaag, doorineyn beriga,
oo uu Qabiil doortay oo, diinti ka lugeeyey,
waa kuwaa dagaagaaya oo, wada dalaabaaye,
maxan Gabay dureershaa dhibaa, deegta loo suraye ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk