Rixin is qooma, 25-03-2017
R-caddaawe
Ruuxa Xaasidkaa Eebbihiis, Raaya kama tuugo,
intii uu khalqigu Roob di'iyo, heli lahaa Rooti,
Riziq inu isagu waayo buu, Raaxo bidayaaye,       u arkaaye

Ra'du waa sidaa aan u dhigay, Runu middaa weeye,
Ruuxuu yaqaan wawba cadaw, kaasi raamsayaye, 
ee hadduu Ribbaad noqoni iyo, Rooma kuwo jooga,
oo uuna ruuxood aqoon, Raq iyo Raad toona,
intii uu Raxmaan siin lahaa, dhawr rubbiyadoodna, ----
inuu isaga Daacuun ritoo, gooyo rubaddiisa, 
oo la rogo ayuu rabi lahaa, Dabayla raafaanna,
oo aydhis laga raaracshiyo, belo ragaadaysa,
xasadnimo ragaadduu qabaa, lagana raysayne,
Rabbigeen ha naga kaafiyoo, huriyo raarkiisa,       

kansar inu isaga raafo oo, ruuxa uga siibo,
bawga roon in Roob uu ku da'o, reedda xaramkiiye,

xaramki reeddiisa, riica xaramkiiye, Ruushka kuwa jooga -----
oo uunan Ruuxood aqoon, Raq iyo Raad toona,


xaaraanta wuu raadsadaa, una riyaaqaaye,     
ruufiyaannimada aawadeed, Duhur ruclayntiisa,
sidii miigga Ruushkeen harkii, raadar qabanaynin,
isagoo u roorayaad arkee, buuro rucubkooda,

hadba labadi shaydaan rartee, Dhiigga uga rooro,
ee sidi Tumaal buufin ruxi, rugufta uun haayo,
ayumbaw riyaaqaa isagu, una raxleeyaaye,
ma aqaanno roor midu ku yimid, ama ruclayntiiye,
waa kii un rorogsada dhexdood, rubucu saaciiye,
bal ma miigga rooruu ku yimid, Ruuxa laga siibye,


intuu uu khaliqigu Roob di'iyo, heli lahaa rooti,
in isagu rabbeeyawga roon, raranki naareede,
Riziq inu isagu waayo oo, gaajo lagu raafo,   Raafka laga gooyo ----
Kansar inu ragaadshiyo ka jecel, Cagaf ragaaxaaye,
oo beladu ay raamsatuu, ribix bidaayaaye,       
Raxmaankeen ka megen xaasid waa, rixinka shaydaane,      saaxir rixinkiiye

 
Rabtii uu ibliis rorogsadee, Raayaha ka taagto,
iyo Ehel is ruuguu agtood, ribix ka goobaaye,
intuu Rixin xiriiraayo waw, Raran cadaabeede,
hadba labada kala raaracdee, Hub isu raadsayda,
raaxada naftiisaw arkaa, Roob u da'ayaaye, 
Rabbigey ka megen xaasid waa, Rixin ibliisaade,     raxmaan

Ruuxiya ha dhaafaan wuxuu, Raaso leeyahaye,    raasumaal
Xasadnimo ragaaddiyo muxuu, Raabuq u hiloobay,
lagaa taag Wadnaha rayfal iyo, Kiilo rabanraaba,   rudunduudda

Caradii Raxmaan iyo Cadaab, Ruuxa doogsanaya,
Jannadii Raxmaankiya ka hari, Nabiga Raadkiisa,
ee Roob u hooriyo ka jecel, Dayrta raaxada leh,
inuu Rixin is waayoo Agoon, Ruuxa laga gooyo,
ee Waran rigaaxiyo Middidda, Rubadda loo taago, 
lafahoo rigaaxmowga roon, cudur ku raagaaye, 


qoys uusan garanayne Ruush, ----------------,
ama jooga room iyo Ribaad, ------------- ,
cida ruusha inay roob helaan, reera wada daaqi, 
lafahoo rigaaxmowga roon, cudur ku raagaaye,

runta waxawga nixi sidii Rasaas, Bii Em soo ridayo, Rubadda loo joojey ---

sidii eyga raabiya qabee, kugu rabbaynaaya,  rooraya
duhurkiyo allaylkuu rigaax, rubuxa qaylshaaye,
.
rab xun iyo Ruun balaayuu intaa, ununufaa ------, 


rafiidiyo riyaad iyo makiyo, xaramka reeddiisa,


isaguna siduu ugu raxlayn, uguna raynaayo,
isaguna siduu uun u rabo, uguna rayrayni,    raynaayo
oo sidii ---- loo rakibay, ugu raxleynaayo,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk