Quluufay ku hoyataa, 18-04-2016, 10:17
Qabiillayda soomaal, Qayrkeed ka hartadu,
wax Qushuuc geliyiyo, xumaa Qoomka dooqiis,

Qabiil baa ku gaardiya, dib u qabo dhabarkoo,
Lugta kor u qaadoo, Quf ka siiya yiraa,

Quraankay ku daashaa, Qabiilkay ku nasataa,

Qalbi nuuraya iyo, Quruxda way necebtahay,
Qamuunyiyo ciil iyo, Qaxarkey jeceshahay,

misna qaabkaas iyo, inay kala qalloocdaba,
weligeed ma qiratoo, Qayrkeedey ku caydaa, 

iyadoo Qaadirkeed, Qaali uu ka dhigoo,
Qusuur iyo Dabaqyiyo, Dhul qaaliya yiiyey,
Qax intey ka dooratay,  Quluufada ku hoyataa,

injir iyo Qandhicil iyo, Quluufa habreed iyo,
Qandal uu dad leeyahay, Qaraab ay ka goobtaa,

Qabaliyo daraaddeed, Quluufada miritiyo,
Qabuuraha jinni bay, Qaraabo isku seegaan,

Qaran iyo Midnimiyo, Qaninnimo sharafliyo,
wixii qiimo u leh bay, Jiririco ka qaaddee,
qoomka xumaa dooqiis

Qolof Boog ka dhacdiyo,  waxa laga qarracmiyo,
Kaankara quruntiyo, Qashin meesha lagu guray,
Qarash iyo ka jerisaa, Qoyskeeda biilkiis,

Qiimo la'a wax garadkeed, waxay kala qariyaan,
Qufulkiyo furihiyo, Qabri iyo nin loo wado,

Qab xumaa wax garadkeed, Qabkii la arki jirey, 
Qiiradiyo is dhawrkiyo, Qaalinnimada necebaa,

siyaasigeeda qaylshee, halley quuro xil yiraa,
Qoorta markuu geliyaba, Sharaftii Qarankuu,
Boholaha ku qubaa, dabadeed Qoomam kale,
Qoorta u raaracshaa,

Qosol iyo markii ay, waxay qaddarinaayaan,
qaabkeeda wadaan, way wada qaylshaan,
Balaw bay la qallaxaan,

yaan Qabiil jecel iyo, Soomaali qalawliyo,
Qashinley ahayn oo, gabadheeda Qaalidiyo,
Hooyadeeda Qixiyoo, Ehelkeeda qaawiyey!

Berigay qiimo lahayd, gabadheyda Qaladlaa,
waa Hilib un qaawane, Yaan dukaanka Qodaxey,
Qaboonada loo dirin, ku qaraaxa jirteey,
qaalmarogadka maantaa, Qoray intey ku riddoo,
Qaxa ay ku dartey, Qolof weyne gaal iyo,
niman qaaqaawanoo, Qoorahoodu muuqdaan,
u Qasaal dharka oo, Lacag soo qub tiraa.

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk
-->