Quluubtiinna xala soomalaay, 01 April 2015
Quluubtiinna xala soomalaay, xaasidnima daaya,
wax ficiin idiin xaytayoo, idin xakaareeyey,
oo sidaad tihiin xoolihii, xero idiin ooday,
waa xasadka idin kala xiriyo, xulad qabiileede,
xabiib iyo walaalaad tihiin, ina xabiiboode,
xaskuliya qabiil oo diloo, xoora cudurkiisa,
qaaxo iyo xanuun weeye ee, xaaqa beladiisa.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk