Quful Eebbe, 28-06-2005
Maansadan tobanka bayt ah ee Seed ku qaramaysay oo toban bayt kaliya ah soona baxday  28 June 2005,waxay ku saabsantahay soomaalidan maanta badankeed waashay oo miyirka laga qaaday oo xataa mayd jeebkiisa baaranaysa, haddana rabta in aad ammaanto oo aad ku sheegto in ay yihiin dadka caalamka ugu wanaagsan, dadkan oo markii ay isirkoodii dheddigga xaqireen, buuggana ka saareen, kaddibna si joogta ah u gumaadeen ayaa habaarkii miyirka ka qaaday, maansaduna waxay tilmaamaysaa oo warkuba ku koobanyahay inta aad dembiga aad asalkaad ka soo jeeddaan ka gelaysaan ka tawbad keenaysaan weligiinba shira oo shirar isugu imaada, waxba kama soo baxayaan dhiig iyo dhiillo mooyee, waana tan:-

Quful Eebbe Burris baan ku furi, qawda kaga saari,
Qiso aad ku garataan qoraa, qaab xumida teeda,
Qaniimaadka maal iyo adoo, Qarash ku soo maagay,
Quful weyn qolkaagii markaad, qalaf ku soo siisay,
in quraanyo qufulkaas jebee, qaanac maad ihide,
waxa taa ka sii qaab xumoo, kana qasuumaysan,
qoomkii habaar biisha ee, kibir is qaadqaada,
markuu qaaddirkeen soo qabtee, Jeel ku qirinqiiro,
iyagoo sidii ugu qabweyn, tawbanaan qiranin,
in shir ay qalqaalsheen iyagu, Roob u soo qubayo,
soomalaay khasaartaye warkaa, seed ku qaramaysay?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk