Qoyska shuuriyiyo qoysaskii baduhu qaadeen, 20-04-2016
Maansadan Qoyska Shuuriye oo soo baxday Maanta 20-04-2016 oo aan Internetka ka arkay Waalid Soomaaliyeed oo Ubaxii ay dunida ka eeganayeen iyagoo nolol & Nabad raadisa Badweyna ku qarqameen, is ma aanan oran maalin la mida mooyee maalin kaaga Murug badan baa ku soo martay, taasoo sababtay inaanba Maansada joojin kari waayo sdarteedna ay in badan ka reebay, Hadalna Haan ma buuxshee Maansadaan ugu tacsiyeeyey waa tan:

Somaliland qarannimaa, amase qoysqoysa,
ma ay taagna qiilkaasi iyo, Qodob siyaasaade,
waxay maanta qotontaa dhabtiyo, Guri qamuunyaade,
Allahayga Qanigaa Raxmadi, hawgu qoro looxa, 
Qabrigooda haw nuuriyoo, Qurux ha seexdaane,
aan kusoo qabsado reer Burcoon, qaato shuuriye e, 

Qoyskii ilmihi Shuuriyee, Nibiri uu qaatay,
iyo kuwa ilmadu qubani ee, Beerku ila qaadmi,
Qayuumow gargaar oo dhammaan, Qaadir ku hagoogo,
adduunka u qidmee aakhirana, Raaxo qara weyn leh,

Ehelkayga qarqamee Baddiyo, Nibiri uu qaatay,
Qoyskayga Burco ee gobtii, Qaranki Soomaala,
shuuriyaan la qabayaa Tacsiyo, Qoonta murugeede, 
waxa Hooyo qaylaysa iyo, Ubadka qiirooni,
waa inaan la qaybsado haddaan, Qiimo leeyahaye,

Qoysaskayga ubixiisi bay, qaadday mawjaduye,
Qayyuumow gargaar qaybuhuu, Qabarku soo gaaray,
kuwaygii qarqamay ee tegiyo, kuwa qaloonaya,
Qaadirow quluubtooda deji, labada qayboodba,
oo Agoonta Quudkooda saar, meel ad u qorshaysay,
oo haraaga qoyskeenna dhawr, Qaadir baad tahaye,

Adduunyaanba Qoys waari jirin, quudan weligiise,
hadday ummadi qiimiyo dadnimo, qaayo leedahaba,
Qoyskaa Burcee waayihiyo, Qulubku soo gaaray,
waa Dahabka qeeriinya Luul, Jawhar qaaliyahe,
balse haatan qaar bay dhintiyo, waax i qaaliyahe, 
Qoysaskaygi ubixiisi bay, qaadday mawjaduye,
kuwaygii qarqamay ee tegiyo, kuwa qaloonaya,
Qaadirow quluubtooda deji, labada qayboodba,

Haddii aan hal Qoys qaybiyeen, sii qoqoboteeyo,
amaan Qaatil sidan ahay tacsida, ugu qaloon waayo,
waa jirkayga oon qaybiyoon, Qayb ka qalanaaye, 
ilma shuuriyaha Qaadirow, Qaddarku saameeyey,
iyo Qoys kastoo Soomalaan, kuugu qayshadaye,
Raxmaddaadi qaayaha badnayd, hoo dheh qiradeeda,
oo Murug ka qaadoo Qalbiga, qaadmi ku hagoogo,

Qarankaygi baa wada qubtoo, layga qalanaaye,
Ma-gefiyo waxaa qaybsanaa, Qubaro shaydaane,
Qawlaysataa iga heshiyo, kuwo qafaalaaye,
Qaatiliin Dhaqaatira baa, qalata fiidkiiye,

Soomaalidaa kala qaxdee, kala qaloonaysa,
ee Toban quruumood ka dhigi, ubadki Qayd-weyne,
waa Walaal la kala qooqoboo, Qaafil u talshaaye,
qabaliyana ay qaybisiyo, Qaballus shaydaane,
hadba kii qumbacadee xanuun, Quruba soo gaaro, 
Qalbigay xanuunoo Ilaah, Qaadiraa marage,

waa xubin aniga lay qabtoo, Dhiig i qubanaaye,
inaan dunida Qoys mida ka dhigo, oona qarameeyo,
Qasadkaas ayaan leeyihiyo, Qaran dabeeciise,
marna magacyo Qaaf iyo Qawaaf, raaci maa qurube, 
Qoysaskaygi ubixiisi bay, qaadday mowjaduye,
kuwaygii qarqamay ee dhintiyo, kuwa qaloonaya,
Qaadirow quluubtooda deji, labada qayboodba,

ma Awoowgi qarniyaal horaa, iiga tegay qoomo,
oo habaar qaxaabiyo inkaar, iigu qubay weelal !, 
Soomaali oo Qoys ahuu, dhalay Qayaad Geeddi,
inaan qaybiyoon kala quboon, Qurub u googooyo,
Qaadir baan ka magan galy middaa, ugana qayshaaye, 
Qayyuumow ilmihi shuuriyee, Nibiri uu qaatay,
iyo kuwa ilmadu qubani ee, Beerku ila qaadmi,
Qayyuumow gargaar oo ilmaha, Qaadir ku hagoogo,
Adduunka u qidmee Aakhirana, Raaxo qara weyn leh,

Haraagooda Eebbow quwee, Qaadir baa tahaye,
Ayeeyada qamuunyeysan iyo, Hooyo qaaliyaba,
waxa qoysas soomaaliyeed, wada qamuunyeysan,
Qamuunyada ka reeb oo Allow, Qabar sanow naadi,

iyadaaba dunidani Qafliyo, Qaanso boqonkeede,
oon ruuxna Qayr uun ku jirin, labada qayboode,
wax kastaana way qoranyihiin, qaabka ay noqone,
oo Qadarka Eebbaan ku nahay, Raalli oo qurahe, 

Qoysas aan ka tegin meeshi uu, Qaadir ku abuuray,
oo hurdaa qolqolkoodi iyo, meeshu u qorsheeyey, 
indhooliyo Saqiir reer Qabiil, loogu qalanaayo,
ee maydki Qoryo loo qaxshee, Naar la qabadsiiyey,
qabadiyo ka badan geedahaa, Qaydar iyo Jiice,

haddaan Qaalid tiisii maree, suubsho Qabarkeenna,
Qofkan inuu is qaatilo rabayn, Qudhana uu gooyo,
ee naga qarqamay goorti uu, raadinayey Quudka,
Shahiidnimo in loo qori ayey, Diintu noo qiriye,
haddii aanse qaylsheen ilmada, qubo-na aan ooyo,
sidii Quudki aan soo cuneen, maanta ku qadeeyey,
aynan haatan inan qaday noqeyn, Qadadi oon diiday,
sidaa baan qabaarkii dhiciyo, Qaddarku leexayne, 
ee qoyska soomaaliyow, Qaadirka xusuusta,
oo samirka kaashada Qaraar, Qurux le weeyaane,

Maatideenna oo Qaaxo iyo, Gaajo quminayso,
oo Feero inay wada qabaan, lagu qiyaasaayo,
oo aroorta qaxayoon aqoon, meelu qabanaayo, 
Madaxdeenna Quful weyni uu, xiray Quluubtooda,
Qof kastaana Qado keliya uu, Qaranka siisaayo,
Qadaadkiisa weyn iyo kelyaha, Qaybu lulanayso,

Qalloocow markuu dhaylihiyo, Quruska ruugaayo,
Qaamankiyo labadiisa Cane, Miiddu qubanayso,
oo markuu waddada qaadayee, Qaybu daba roori,
Qalawlihi sidiisiina uu, Qootir soconaayo,
Qaamow-qashiir inuu qabay, Duul u qabayaane,
Qalka dheere uu taagayee, qayrki xaqiraayo,
markuu saanta qaadaayo ee, qaarka hore taagi,
Dhulku inu qarrarayuu u qabi, Qoob kastuu dhigo e,

intuu dhaar qurquriyoo Kitaab, Qalaf ka soo siiyey,
inuu Qaran sinnaan iyo ku wadi, Qawlki nabigeenna,
ayumbuu Qabiil iyo Jufiyo, Qolo u iishaaye,
ma qayb nalaga qariyaa jirtiyo, Qodob an muuqaynin,
oo waa Qaraar iyo Heshiis, gebi la qoondeeyey,
mise Qaa'in weyn buu ahaa, Dhaar ku qarinaayey,
oo haw qallaco oo jirkiyo, qubay maqaarkiise, 
isagaa qiyaaniyo yaqaan, Qaran la ruuqaayo,

oo waxa quruumiyo rogmaa, Qoomam wada shaaba,
ee aan la quuraynin ee, Eebbe Qurux siiyey,
Qaflad iyo hilmaan laga gelshoon, haynba qabarkeeda,
Qalbigaa engegan oo raxmadi, Qaawan oo marane,

Qof kaleeto inu jiro ayuu, qaadan karihayne,
islaamnimada yuu qaafanoo, sheegan qoladeede,
bal inuu dareen uu qabtoo, Qiiro yara qaaddo,
nimankaa Qabiilada nacee, Qaarta la hor taagan,
Qaaddi reer galbeed waa inuu, Qayb ka deynsado e,
balse haatan qoodkaasi waa, Qayb-an maha oole,
waxa Qoysas soomaaliyeed, wada qamuunyeysan,
Qulubaadka Eebbow ka reeb, Qabar sanow naadi,

ruux Qaan agooneed qabaan, Qaadir ka cabsoone,
Qalad uu qof galay qoomam idil, hawgu qorin looxa,
haddii Qaydariyo Qaahirada, Qoys dhan lagu laayo,
ha u saarinina magac qabiil, Qaatil iyo tuugga,
haddii kale adaa qaladka dhacay, quwadda siinaaya,
oo inuu Qof kale raaco oo, hiilsho u qalqaalshay, 
waayoo qafaalkii dhacaba, Qaaradaha duunka,
qasab weeye inay Qayb ka xumi, nolol ku quudayso,


Qoysaskaygi dhuuxiisi bay, qaadday mowjaduye,
kuwaygii qarqamay ee dhintiyo, kuwa qaloonaya,
Qayuumow quluubtooda deji, labada qayboodba
oo haddaad Qiyaamihi ogtahay, Qabar ka sii liita,
raxmaddaada uga qabo Allow, Qaadir baad tahaye,
,


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk