Qoray is maris, 06-06-2005
Maansadan Qoray is maris oo timid 06-06-2005, waxay ku timid sheeko baraley ay soomaalidu tiraahdo waxa jiri jirey
meel looga cabsaday oo lala degi kari waayey Qoray is maris, kaasoo maalintii ah dad, habeenkiina intuu qoray dabada
isaga dhifto waraabe noqonaya, markaa waxay yiraahdeen oday baa maalin berrin soo degey, bahalkii oo dad ah baa u
yimid oo ku yiri, ninyohow berrinkan isaga guur, oo maxaa dhacay buu ku yiri odaygii, bahalkiina wuxuu ugu jawaabay
bahal xun bay leedahay oo dad iyo duunyo dhammeeyey, odaygiina intuu ku xanaaqay buu ku yiri waar soco bahal xun
anigu uga guuri mayo naqaan iyo barwaaqadan iska taale, bahalkiina waa yahay intuu yiri buu habeenkii dhawr wiil kala
tegey, odaygiina hadba intuu ka daba ordo ayuu gaari waayaa, kolkaas buu isaga oo ooyaya ka soo laabtaa, subaxdii
buu u yimid oo ku yiri waar adeer xalay ma la barideen?, odaygiina isagoo ooyaya buu yiri war ilmihii buu xalay bahal
iga dhammaystay, qoray is mariskiina intuu qoslay buu yiri: adeerow shalay waad ila talo xumayd, xalayna waad ila
orod yareyd, haatanna waad ila aqoon yartahay, illeen anigii ilmaha kaa dhammaystay baad ii cabanaysaaye. 

Haddaba waxan uga jeedey soomaalida aan halaaggii soo maraba wax ku qaadan ee markii ay yara nafistaba horay
ka kibraysa halkii ay ilaah uga tawbad keeni lahayd, waxayna ahayd maansadu:- 

Ayaan baa nin guuroo,    diga rogasho awgeed
u hayaamay meel dheer,    oo reerki uu wadey
waxa uu ku soo furay,   Berrin uu Dugaaggii
ka eryadey dadkii iyo,   duunyadii asqawdiyo
Abaar kuwo ka soo qaxay!
 
Markii Odaygi uu furay,    arrumiyeyna Awrkii
buu u yimid Nin dheer oo,    qoray is maris ahaa oo
is beddela habeenkii,     kuna yiri waryaa hee
Berrinkaan isaga guur,
 
Wuxuu yiri asbaabee,    waxad ii eryeysoo
Uduggiyo nimcadan taal,   iyo Ubaxan fiidda leh
Afka iiga qabanee.
 
Wuxuu yiri Adaahiyo,   waxa jira aguugaa
Habeenkii ugaarsada.
 
odaygiina wuxuu yiri,    kol haddiiba aan imid
kama iilanaayee,   orod oo isaga soco!.
 
Ha yeeshee ismariskii,    waa tahay intuu yiri
oo u yimid saqdii dhexe,   buu Inan la booduu
la abbaaray Hawdkii.
 
Ninka inanka dhalaybaa,    intuu jiif ka soo kacay
orod yiri ku soo qabo,    hayeeshee awaaruhu
uga tegey dhurwaagii,   odaygiiyo ooyaya
oo sii inkaartami,    baa aaday gurigii
 
Ma hakane is mariskii,    Afartii habeennimu
Inan kale la boodoo,    intuu jiiray ooddii
Afka saaray hawdkii,   Odaygiina Siigiyo
uga tegey Awaaraha.
 
Si kastaba is mariskii,    Aroortii intuu yimid
buu yiri Adeerow,     Xalay seed ahaydeen ?
 
Odaygiina wuxuu yiri,    isagoo ilmaynaya
Bahal bay idleeyoo,    ilmihii aruursaday. 
 
Wuxuu yiri is mariskii,    Adeer heedhe Moogow
Shalay baad is araggii,    ila Talo xumaydoo
xalaytona awaarihi,     ila Orod yaraydoo
immikana aqoontiyo,    araggaa ku xiran weli.
 
An u dego xiskeenniyo,    afka aan garaynee
Soomaali Eraley,    ayaantii ad Shuuciga
wada daba aguugteen,    yaad xarafka Eebbiyo
Diintaa Islaamkaa,   iska wada illowdeen.
 
Dabadeed Aroortaad,    Shuuciga eryeydeen
Aaladdiyo Hubkiinnii,    waad kala irdhayseen
waxanaad la aaddeen,    Ubadkiya Agoontii
 
Welibana ayaanlaay,    in la dilo kuwii ay
anfinaysey Diintoo,    diidayey Aslaynkaad
Oofaha ka dooxdeen.
 
Dabadeed Ilaah oo,    isku kiin cadaabaa
Aabigaad geleyseen,   uu qaarna saamaxay
buu idin waraabiyey.
 
Maantadan an joognana,    dhegahaydin awdmoo
indhahaa cammoolaa,    waayoo ayaantaad
Aabiga samayseen,    eed Qabiilka awgiis
Anigaa Awoodda leh,    Awowgayna fiicnaa
ummaddii ku layseen,    Marrastii idlayseen
waxna aad ku helinood,   qaxootiga ahaateen. 
 
Ha yeeshee Abaartiyo,    Ummul dooxu weligii
Uunka wuu jiraayee,   Amakaag wuxuu yahay
Halaaggiyo Inkaartii,    Aafadi la soo maray
sidii Duul an jooginoo,    Imaaraadka jirey baad
u aqdaamanaysaan.
 
Bal an soo agloolee,    sow inaad Tawaabow
Towba aad tiraahdaan,    albaabkiinnu maahayn?
 
Waxaad uun ogaataan,    Meel iiga xirataan
in Ilaahu kii yahay,    Dhulku uu Dhulkii yahay
idinkuna ilaa aad,     Aafada dhacaysiyo
Aabiga hortiisii,    sidii aad ahaydeen
inta aad ahaataan,    welibana Ilaahow
aad wadaa tiraahdaan,    ha suginnina in Roob da'o
Beerna aad abuurtiin,     oo Ubax ku soo baxay
uu Barako faalalo,    siduu beri ahaan jirey.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk