Qamandhaco, 03-06-2005
Maansadan Qamandhaco oo soo baxday 03-06-2005, waxay ku timid Qayaad oo ah nin aannu muddo is naqaannay, bahalkan qaadka la yiraana ee cidduu helo aan macruuf u gelin, uu dhibaato badan ku hayey, Ilaahay mahaddiis, sidii aan ugala hadlayey, ayuu Alle ila garab galay isagaa hanuunka lehe, markaa buu maalintii dambe iigu yimid goobteydii shaqada isaga oo aad u faraxsan oo nuurka ka baxaya aad yaabayso, wuxuuna yiri ninyohow wax aan kuugu abaal gudo ma aqaanno, maantana waa maalintii iiug farxad badnayd 15 sano waayo gurigaygi baan ka soo baxay iyada oo ay xaskeygu 
ii ducaynayso, ina soo sagootisay halkii awel aan wejigeeda ka dhuuman jirey oo qaylo iyo buuq igu furnaan jirey,
masjidkaan soo maray oo aan waajibkii ilaahey soo gutay, waana tan maansadii:- 
 
Qofka Qaadka daayaan qoraa, qaalinnimadiise, 
iga qabo Bulshoy waa Khabaar, lagu qaboobaaye. 
 
1- Dhaqaalaha ayaa Qaarad kale, loogu sii qaxaye, 
ma lahayn Qayaad Kayd u yaal, Qaad intuu wadaye, 
oo Jeebka Qarashkii galaa, Qado ma gaarayne, 
maantana Quruushtii darraaad, baa ka qalaxlayne,
waanuu quraacdoo Qadaa, Quud u soo haraye, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
2- Caafimaadku waa Qaybta weyn, Qodobka Raaxaade, 
Qaaxiyo ninkii Tiibishada, Qoomku ku fogeeyey, 
markuu Qaadki daayuu Ilaah, Qoor ka soo dhigaye, 
Qoortiisa lama qaban karoo, Aar ka qiro wayne, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
3- Waqtigaad qorshaysaad taqaan, Hawsha aad qabane, 
haddaad qaaba-qawsayn gashee, Saacu qirinqiiro,
Cimrigaagu waa Qoob Fardiyo, Koobka qiradiise, 
hadduu shalay Qayaad saa ahaa, Qaaddir uga raaye, 
waa kaa dalxisaya Qullayl, oo qaxwaynaya e, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
4- Hurdo qiimaheeduu gartaa, ruuxi Qaad cunaye, 
haddii uu Dubaab Qaaddiriyo, Qulub ka ooyaayey, 
Istareexa waa kaa qiroo, Jiifka qaabsadaye, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
5- Qundhacadu markay soo baxdee, Qamar ku buuqayso, 
Biilkiina Shalay qalamsaduu, qoomammayn jiraye, 
laga soo teg Qaansheegad iyo, Qaylo joogta ahe, 
waa kaa Quruush dhiibtay oo, Jeeb ka soo qubaye, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
6- Qaraabada Qofkii qaaddacaa, Naar u qool galaye, 
Qadro iyo Adeer iyo Awoow, quulle iyo Aabbe, 
iyo Hooyo qaaliyo Xuseen, Qooje Cali Mooge, 
Abti Muuse qooraansa mayn, Qaad intuu wadaye, 
Qarni Rubuci Qoyskii wax badan, Qaadku kala seeray, 
waa kaa Qayaad booqday oo, lana qadeynaahe, 
Qosolkooda waa kaa maqlaa, Qoyska Deriskaahe, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
7- Cibaadada Qur'aankaa na faray, Qaaf iyo Watiine, 
Ruuxii khilaafaana Naar, loo qoraa dhigane, 
Masjiddada Qayaad muu galeyn, Qaad intuu wadaye, 
maantana wakaa Qaadirkiis, ugu khushuucaaye, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 
 
8- Qar dhan bay Nadaafadu ka tahay, Qurubka iimaane,
Wajigiisu Qolof buu lahaa, Qaad intuu wadaye, 
tuu qabayna Quus bay ahayd, qaammud iyo ciile, 
markii uu qubaystee Qayaad, Qaadki dabar gooyey, 
Qurux yeelay Quulloo wakaa, Qaaca loo shidane, 
oo Qoodki uu soo maraba, lagu qamaamaahe, 
miyaanay qabowsayn Naftii, qamandhacoonaysay? 

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk