Qado Midkay dheer ayaan u khushuucayaa, 3-1-2019
inkastuu Qarshigu kala wadoo, dunida qooqaayo,
Qiimuhu dadnimo weeye iyo, Qaadir ka cabsoo e,
Qof sidaa u qaatiyo qofkii, Qadaf u moodaaya,
oo lacagle qiimeeya oo, kibir is qaadqaada,
oo lacag ku qiimeeya iyo, jeebka Qarashkiisa,,
maalintay qaraaraato ee, naxashku soo qaado,
yuu garani qiimaha saxdiyo, khabar xaqiiqaahe,
iska sugo Qabuuraha intaad, qolalka badinayso, badini qaybtooda,

ee yiraa anaa Qadada dheer, ruuxan qaylinaya,
oo Qawlka kiisaa anigu, qaadan kari maayo,
ee Qado midkay dheer ayaan, Dhego u qoolaabi,
oon dhareerkaw qubaa,
waa waxa qarribay oo adduun, qaalma rogateeyey,
oo qurunka qiimeeyey oo, qiima tiray qaali,

balse qolofta maydkiyo markii, Naxashka loo qaado,
oo ay qaraabiyo midkuu, shalay u qaaqleeyey,

Qabuuraha ku tuuraan

badeel Qalabki qaataanna,
buu xusuusan Qawlkuu darraad, Qulufo moodaayey,
oo markuu ku qawlaba miskiin, Qashinka raacaayey,


markuu ruux qasiisee ilaah, diinti qaaddacaya,
Qarashkiyo hantida aawadeed, ugu Khushuucaayey, Qosol ku waal
qodda kalena Ruux Qaari' ahe, Diinta u khidmeeya,
Qawlkiisa faqiirnimo darteed, uga qashaafaayey,
oo wacdiga kiisaa Qalkiyo, uga Qadaad taagay,


Qarash ruux ka raba goorta uu, Qasad u soo yeesho,  
haddii uusan qabanaynin ee, Qubi taleefoonka,

hadduu Qoorta jeedaayo

muuqi qoonsanayo 

Qof isaga u baahani hadduu, 
qarash buu ku weydiin darteed, uga Qadaad jeedshey,



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk