Qaddarkiyo qallaha, 26-03-2016
Qaddarkiyo qallaa aadanihi, Qiil ka dayeyaane,
inu Qaadir karo waxan kareyn, qaadi karo Buuro,
inan taa qaddarinnaa micnaha, qaddarku sheegaaye,
waase kaa qallibay aadanihi, Qood kalow rogaye,
aan bal maanta Qoomkii qarriban, Qiilka fahamsiiyo,

Hadduu qaato Qaaddir baw yasiri, Qooma fududeeye,
haddii uuse Qaanfuur noqdee, diido Qodobkeyga,  Qawl Allihi diido
oo uuna Qalka taago ee, Kibir is qaadqaado,
Qunfulkii Ibliis buu Ilaah, Qiro u saaraaye,
waxba yuu qablamin oo Alliyo, Qallaha eedaynin !

Ruuxna muu qarribo Eebbahey, mana qasuumeeyo,
Qayrkuuba noo doorayaa, nagu qancaayaaye,     sii qarrariyaaye
sidee buu -------------------------------------------
Qudbo siriyo may aha waxaan, Deen la qariyaaye,  
Qorraxdaa sideeduu qayaxay, Qaaddir wuxu dooni,

Qiyaar buu na siiyiyo Xubnaan, qumin karaynaaye,     qaadi ama taagi
Qalbi iyo Indhiyo Qaalib iyo, Dhego qaroofaysan,
iyo Maan qiddada sidi Rikoor, qabanayoo duubi,
iyo Ruux quroo sidi Matoor, Yaanmar  qaylinaya,     qablamaaya
iyo Nabi Qur'aan noo sidoo, qaladka noo sheegi,
yuu isuguba keen qoofaloo, yiri Qiyaarkiinna,

qofkii yeela Janno Qaali iyo, Qayr u ballan qaaday,
qaadan maase kii dhaha Shar iyo, Qoof u ballan qaaday,
ee dadow ---------------------------------------,
Naartii qablama ee Ladiyo, Qaadir ka cabsooda,
ma Qiil kale ayaa noo haroon, ---------------------------,


oo muu qasboo ruuxna muu, Qoorta qabanaayo,  -------
mana uu qasboo ruux Ilaah, Qoor ma qabanaayo, ------
isagow qasdoo dooranaa, Qaylisiyo Raaxo,
waa wuxunbu qooraansadiyo, Qaybul cilmigiiye,
qaadirkayse wuu daalacdoo, ------------------------------,
cilmiguu ku qooraansaduu, Qaadir leeyahaye,
dabadeed ayuu qoray inuu, Qaafo noqonaahe,
qallinkiisa lama leexiyiyo, Qaafki uu dhigaye,
Qofka noole qaan gaaray ee, qaba xiskiisowna,
haddeer baad qorshaha leedahee, dooro Qodobkaaga,  xulo bal qoodkaaga   qoodka xulo kaa ah

Qodobkaana loo leexin karin, maaha qasabkiise,
waa inuu Run qoray Been ayaa, Qodob la leexshaaye,
oo waxaad ku qaadani middaas, Qurub tusaalaaye,
Qaxwahaad adigu doorateed, qalax ka soo siisay,
eed Shalay Qiyaar ugu cabteen, Ruux ku qoor qabanin,
qaxwihii ma celin oo haddeer, Shaah ma qaadani bal,
qiyaastaasi waad garan kartaa, Qayrul caadiga ahe,
qorniinkaad maqlee waa Cilmiyo, Quwad ilaaheeye,
maxaa Eebbe waxa uu qoriyo, Qadarka kuu geeyey?

Haddaad Qayr samaysood haddeer, Qoodka wacan qaaddo,
taasuuba qooraansadoo, qoray Ilaaheen e,
qubxi iyo haddaad Qaad cuntiyo, Qulufo shaydaanna,
iyaduuba qooraansaduu, qoray Ilaaheene,
maxaa qiimo waxan kuu lahayn, kugu qataaraaya?

Qofyohow waxan kuba qusayn intaad, qalad u raadsayso,
ood Qadar lagaa qariyey iyo, Qaybka daba joogto,
Qayrkaa ku dhaafyoo Taqwiyo, Jannay qabbaysteene,
qun u joogso Qalab qaado oo, Shaqo u qayraanso,

Haddaad Naar qabbaysani amaad, Qayr la hoganayso,
waa taa un wuxu qoray Ilaah, Qaadirkay magane,
waana qayb inuu daalacdiyo, Qoodka aan imane,
Qasab iyo ma ay ahan inuu, Qoor ku qabanaaye,
qofna waxay karayn kuma qasbiyo, Qaamaluul darane,
Qur'aankuu ku yiri Eebbaheen, Qawlka Nabigeene,
ha dulminin Dadow Qaadirkaa, Naar ha qorotaysan,  belo ha qoondaysan




---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk