Qabiiliiste xumaa, 28-12-2018
Qabiiliiste xumaa, Afar qiimo lahoo,
hooyo Qaali dhashoy, Caloosha ku qaadduu,
kala qaybshaa oo, ilmo Qolofey iyo,
ilmo Qoobey yiraa,

dabeed Qarax miiniyo, Qumbulado u dhiibaa,
oo waa Qurun iyo, Xaasid Qoobab weyne,
ku yiraa is qaloo, Qudha gooya yiraa,

iyaguna qulbanoo, Qalbigaa qufulanoo,
ibliis uu qafaashee, is qalaan duhurkoo,
dhiiggooda qubaan..

wada qaxaan
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk