Qabiil yaa qanciya oon Qandhiyo Xummadu qaadqaadin, 26-09-2016
Car bal Quudka dunidaa jiriyo, bixiya Qaaraane,
Qabiil yaa qanciya oon Qandhiyo, Xummadu qaadqaadin,!

ka qaloonnay fadhigoodi iyo, Qaran midayntoodi,
waannu qaaddacniyo diidnay yaa, celiya Qawlkeeda,!

Magacyada qandoodiyo haddii, Qaafka laga eego,
een wax qabadka Qiimiyo la deyin, Qarashka uu dhiibi,
sidiisaba ma uu laha Qabiil, Tiro la qoondeeyo,
oo Qoloba keligeed ka badan, kuman Quruumoode,
ma Qaaradaha adduunkaad qancini, waa Qumbulad baase

Reer Quley Qandood iyo Qamboob, reer agoon qalaye,
Jufodiiba Qurub-qurubyo iyo, Quulle & Qawdhan,
Quruumay usii kala baxee, Qoomam & Kooxe,
ma Qaaradaha adduunkaad qancini, waa Qumbulad baase,
ood adigu Quud iyo Kuraas, Qayb la kala gaari?

Qabiiliiste Qaablaawe waa, Qoodya Jiha waaye,
oo waa Quxuub jaahil iyo, Qurun awowgiise,
ha loo hago sidii qaab indhool, Usha ha loo qaado,
waa intaa Qabiiliiste wuxu, Qayb u leeyahaye,
Qof qabiil wax ugu qaybiyee, Qaranna sheegsheega,
Qasuumada midkaa baa wadiyo, kuwa ku Qiil siine,
ka qashaafa Haybsooc dadow, waa Qar soo dumiye,
oo Qabyaalo Soomaaliyey, xira Qabaarkeeda,

Quley iyo Qafqoof iyo intii, Qarow ka yeeraayo, (taniya Qooreeya,Qoray Mandheeraada, Qulub gadaasheeda)
Kaarta lagu qaraabtiyo waxaa, Oday Qaxuub waalan,
oo ku qawli Qaran waan rabnaa, Dawlad qaaliyahe,
Qoondahaannu diidniyo Dulmiga, Belo la qaylaaya,
oo Qalfoofku weynyahe Caqligi, Gaari lugu qaatay,
Qalalaaso Qaraxyada rasaas, Qaxar colaadeeda,
wuxu qaso un mooyee la hayn, Qoomu nabadeeyey,
oon Qaran u hiilleynin ee, Qado ku doorsaaya,

oday Qaaxa weynoo sidii, Weer u qalayuuba,
Habar qalada oo hooyannimo, Qado ku doorsayda,
Wiil qalkaasu dheeryee sidii, Qalawle luudaaya,
oo Qaxar u joogoo Bambiyo, Qoray la haadaaya,,
Qoys wada habaarano wax badan, Qulub u soo joogey,
Qabaliyaa intaa laga heloo, laygu qaban maahe,
war is qabta somaalida quraa, Uunka qaab darane.

haddii aad Qabbaan noqoni &, Qudure qummayo Qawsaara,
ood Qabiil Ayeeyiyo qalani, Hooyo Qoladeeda,
Jahannamo qolqolkeedi waad, qaaqda gurihayne,
Cid wax kuu qabani baan jireyn, Qiilna kugu siine, taniyo Qoomdheere,


odayga qaafada ahee,
Qalku wiilu dheeryahe 
car bal yaa ----------'
Qaraabada ayeeyona dilee, qubina dhiiggooda,
------------
qaybta nala siiyey baannu, 


 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk