Qabiil waa Ragaad, 15-03-2005
Maansadan Qabiil waa ragaad oo soo baxday 15-03-2005, waxa ay soomaalida iyo ciddii aan waqtigaas la hadlayeyba ku boorrinayey arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
1- In qabaliyadu siduu Nabigu SCW sheegay tahay Diin & nolol xiirto, qofka ay dullaysatana uusan ummaddiisa ka mid ahayn.
2- In aanay hantida guud kala yeelan ee wada yeeshaan, oo daa iyagee in ay dadyow kale dunida ka doontaan oo ay soo dhaweeyaan mar haddaysan wax u dhimayn, qof kasta oo dembi ka galana aysan carruurtiisa ama ehelkiisa u dakanayn.
3- In qofka raba inuu garto xumaanteeda uu marka 2 qabiil dagaal dhex maro, labada dhinac dhinicii uu weydiiyo ayaa gar darrada billaabay uu caammo dhego weyn iskaba daaye uu sheekha qabiil kasta dembiga saarayo qabiilka kale ee aadan weliga arkayn mid ku oranaya qabiilkaygaa gar daran oo daalim ah, ruux dhif ah oo aan tiro ma doorshaa mooyaane.
4- In haddaad qabiil darti u dagaallanto ee aad dad u layso, ribixaagu ama waxad ka faa'iiddaahi khasaaro iyo Jahannamo noqonayo.
5- In haddaad midnimo iyo qaran diiddo ama qofka wanaagsan qabiil ku nacdee qof shaydaan ah qabiil ku jeclaato, ee intii qabiilkiinna ah aad isku soo hartaan, aad idinku dhexdiinna is laynaysaan illeen balaayo hele tiro go'an oo qabiil loogu hagaago ma jirto ilaa uu ka gaaro 2 kalo bah ah, labada qof ee keliya ee aan kala qabiil noqonayn waa labada isku aabbe iyo hooyo ah.
6- In nin ka cawday cudur ROOR la yiraa ee geelu siduu u joogo iska roorayee naftu ka baxayso, ama isagoo iska nabad qabee uu qofkii dabrayey ka soo kor dhacayo isagoo mayda, uu dhibkaasu ugu yimid rixin goysnimadiisii.
7- In soomaalida haddii dhinaca hooyo la tiriyo ay kulligood walaalo noqonayaan, sidaa darteedna dagaal kasta oo qabiil uu micnihiisu yahay inaad reer hooyadaa dhiiggooda daadinaysey, haddaad nabad rabtana ay qasab kugu tahay inaad bini'aadamka oo dhan ciddii wax ku taraysa soo dhaweyso, adigoon u kala eegin qabiil iyo balaayo kale midna.
8- iyo gunaanadka nuxurka maansada oo tilmaamaysa in odayga jaahilka ah ee ubadkiisii dagaal gar darraa geliyee ku laayey, marka berrito labadii dhinac ama labadii qabiil heshiiyaan, uu isagoo shimbir qoyday u eg hor fariisan doono oday ficiis ah oo wiilashiisii ka garab sheekaynayaan, waana tan maansadii Qabiil waa Ragaad oo soo baxday 15-03-2005:

Soomalaay Runtaa raaxo lahoo, beentu waa ridane,  (Wrshby)
Rag Allow Qabiil waa Ragaad, raafka kuu gala e,
waa Ruub Jaxiimiyo Kulayl, raran Cadaabeede,
waa tuu Rasuulkeennu yiri, raaximahullaahu,
Nin Qabiil u reemee Jirkiyo, Dhiiggu ugu rooro,
kuwa Jannada noo raacayiyo, ma aha Reerkeenna,

Wuxu taa ku garan Ruuxi raba, Raataxumadiisa,
haddii uu Dagaal riiqdo ee, laysku wada ruugo,
ood Sheekh Rudduu dhigahayiyo, Ruum iyo Ancaamta,
weydiiso Sheekh Raahibow, yaa Raqdaan sababay,
qasab weeye Reerkiisi buu, Libinta raacshaaye,
oo Reer kaluu Ceebta iyo, Eed ku rogayaaye,     RAAS  
iska reeba Raadkiisa naca, ruqay Qabiiliiste.

Rayfal iyo haddaad Qori riddood, Ruux ku kala goyso,
asii aad Jihaad Raadki iyo, Khayr u ribaneynin,
ee ay u soo aar Raggii, tahay un Reerkiinna,
oo aad Rijaallo u dishood, Raas dhan wada ruugto,
iska daa Riyaad faa'iddiyo, Baasto rubaceede,
Khasaaraad u sii raabixdood, Naar ku ragaxleyne,
Qabiil Raadki gooyoo ka taga, Ruqay Ninkiisiiye.

Midnimuu Razaaq caawiyaa, una riyaaqaaye,
Kelinnimo Rafaad weeye iyo, Riibi iyo Hooge,
haddii aad Rafiiq diiddo iyo, Qolada kuu raysa,
oo aad Walaalkaa Ruqiyo, Ruun la kaliyowdo,
idinkays ruqoo Rayfal iyo, Raaf is marisaane,
Rasuulkeyga Eebbahay rilliyo, Raaxo haw sugo e,
naca Raad Qabiil oo Rillada, raaca Nabigiinna,  

Ruuxba Ruux inuu ruubiyee, Rubadda uu gooyo,
misna aan Rafaad taaban buu, Raaska geliyaaye,
waase saan Rafaadley Adduun, looga Raad barane,  
Rubaddaad jartiyo Taad Ba'eed, Raalli ka ahaato,
waa mid Ruuxa-kaagaa u bixi, lagugu raadshaaye,
waa Rastaad adigu falatay iyo, Raranki Naareede,
Qabiil Raadki gooyoo ka taga, Ruqay Ninkiisiiye,

Masiibada middaad raarataa, kuu Rakaamo ahe,
ninkuu Awrka Roorkawga dhacay, ee Raraha jiifa,
Qoom aan Habaar loo riddayn, Roor ma uu galo e,
Rixinkoo bestiisay adiga, Raaxo kuu tahaye. 

Soomaalidaas raaracdee, kala riddoobaysa,
iyagays rajeeyoo Facood, isu rigeeyeene,
midka Raaskambooniya midkaa, reedda kale jooga,
Rugta ay ka timid Hooyadood, raaska cidaheeda,
Abtigood u roon Habaryaroo, ruuxa carafsaysa,

dhab haddaad u sii raadiseed, jiridda sii raacdo,
sida Shabaqa Caaradu rartee, raadarka ad mooddo,  
Riir qura inan wada nahaad, riban lahaydeene,
haddii aan ku rayneen sidaa, Raalli ku ahaanno,
Riixaanya waxan heli lahayn, Raaxo aakhiro e,

balse Raacigaan Qabaliyee, maanka ka rajoobay,
Abti baad ruqdaa Beerki ood, Dhiiggi ruxataaye,
Habaryaro adoo ruugi oo, una ribaynaaya,
Ricirahana aad Hooyadaa, Ruugga uga joogto,
sidee baad Rilladi Eebbe iyo, Roob ku heli heedhe?

Dadow kaan Rasuulkiyo nacayn, Nabadda Ruuggeeda,
Raaskiinna keenoo ha dego, rugaha aad joogto,
Labo Reer ka soo rara Rulleyl, Shiine iyo Rooma,
qaar kale Ribbaad iyo Isbayn, Ruush ka soo bariya,
+
Rug caddaagi Guudliyo ilaa, Raydab iyo Jeerin,
Roombe iyo hadduu Riigan dhalay, ama Rijaal tuuga,
mar hadduu Ragaad kugu ahayn, Reero haw tirinin.

Waa taa Ra'daan soo wadooon, soo riddaamiyaye,
Waanada haddaad raariddaan, waa sidaan rabaye,
balse kii ma rabo taa yiree, riixa Eraygeyga, 
dhinac kale ayaan ugu rogaa, lagama raystaaye,

Cid kastoo Dagaal ruubatee, goysa Rimicooda,
mar un bay raboodaan Heshiis, Nabadda Riixdeede,
Ri' kastoy ogow Wiilka roon, iyo Ramiishkaaga,
Geeridu markey raamsateed, Raro bannaan joogto,
oo labadi Reer ay Heshiis, Roob ku wada maasho,
+
oo Raage Cali wiilashiis, Ramad la maalaayo,
oo Shaaha reeddiisa iyo, biibitada Riibi,
Aabbahood la raaridahayaan, sheeko lagu raago,
Gablan rogatay Garabkaana maran, ciilna kuu rarane,
Dhashaadii adaa ruugayoo, raamsatoo cunaye, 

Ruclihiyo Arooskaad gashee, Rays ka filanaysey,
adaa Reefis dib isugu celshiyo, Raad arooryada e,
Shimbir Baalki Roob uga da'ee, Rorog jaraynaysa,
Raranki Naarna kuu dheeryihiyo, Caro Raxmaankeyga,
ninka uu Rafaad keli hayaa, Ruuge waa adiga.

Adaa Baalashaadii rifoo, Raasumaal nacaye,
dhashaadii adaa raafay oo, Eebo ruubiyaye,
adigaa Raxmaan diiday oo, Reyjel raadsadaye, 
racba-raca qaxootiga adaa, raafay Ehelkaaye,
Gaandheri Ridaa iyo adaa, Ruube suubsadaye,
+
Rug-san nace halkii lagu rifaa, Ribix ka goobaaya, 
waxa raaya adigaa nacoo, Shuuro raadsadaye,  
qaxootiga rafaadka leh adaa, Raaxo dhaafsadaye,

adoo Madaxa raaricinayoo, sida Rabiishkiiye,
oo reerki Soomaaliyeed, shalayto soo ruugay,
Raylaha Kukuuydiyo Amxaar, iyo Ruwaandayska,
Ra'iiskoodu Beel kale aduu, kugu rakaataaye,
in Facaa ku reedreediyee, kuguna raaxaysto,
Gaaweeto Eey laga ridana, kuugu rogo Shuuro,
adaa raadsadee Ruuxna muu, iman Rugtaadiiye,

Rabbiyoo ku roga mooye oo, Ruugga kaa xira e,
Ruun Barwaaqo inaad raadsataa, reeban Dhaqankaase,
sidii Raxankuwaagii rabbee, rugan Awoow gaarin,
oo midaad ka roonayd u hoyo, diidday Raaxadiye.  -------------

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk