Qabaliyo waa mxay? 18-04-2015
Qabaliyada Walaftoo, Soomaali waashoo,
Waalkeed ka reebtaan, Micnaheedu wuxu yahay,
Waafi aan u sheegiye, iga hooda waa tane: 

Abtiris aabbe ku werdiye, abtiris hooyo ku wiirso
Reer aabbe ku waalee, reer hooyo wadnaga goo
Weynahaaga caasiye, wehelkii ibliis noqo
Rixinkaaga wareeriye, raxankuwaa walaasho
Waalidkaa necbaysee, wacallo u nacamley

Adigoo iska wacnaa, waawarey u hoyaad
Waddankaaga karaahsee, dal shisheeye u waalo
Naxariis walwalsee, walbahaar u hilow
War qabow ka baxsee, wedkaagii u dagaag

Xeero weyn collaysee, gaaweeto u wahley
weelkaaga gembiyoo, weel kale ka dawaro
Weynahaa khalqigiis, weligaaba argaggixi

waxaagii ka waalee, wax dadow u qal taag
waayaha adduunyada, wax ku deeqa la waa
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk