Qabaliyo Ufeey tiri (Qaraaboy ma nabad baa), 12-02-2019

Dadka qaarka Qabaliyo, Qalbigooda rogatoo,
dadnimadi ka qaaddiyo, Damiir aad u Qaaliya,
waxba kaama qaataan, anna lamaba qawloo,
waqtigayga qaaliga, isagama qasaarshee,
inta Qiima weli lehe, Soomaali Qura ahe,
Cudurkaas qarmuunkaa, Qaadirkeen ka koriyoo,
QABALIYO UFEEY tiri, oo Qoddeenna dhaaftee,
Qaaradaha la nooley, Qaraaboy ma nabad baa?

inta Qaraxa doontiyo, Qaxar aan dhammaan oo,
Saqiirrada qalaysoo, Qaxa sii hadoodilan,
jufa Ciic Qallayley, Qayaxnaan bannaan iyo,
cidla uun qandooddaay, meel Qashin ka buuxiyo,
Qabyo uun ku nooley, Reer Qabiilo quudatada,
Qaran uu dhibaayaay, Nabadey Qaxuubyahay !

Markaan Qaafka maansada, Qaran aan ku soo daro,
inta qaylinaysoo, Qalbigoodu kacayoo,
inaan Qayrre faaninon, Farmaajo u qaraabayo,
iiga qaadanaysaay, Qawlkaygu waa kaan,
Qarnigaani soo wadey, ee Qalad haddii aad,
Qodobbadi saxayseen, Qarankaan la toosine,
loo qaado Heesta oo, Qalab loo garaacaa,
Qarankiyo dadkiisaba, Qar dheer bay ka tuuraan,
ee Qayladiinnaas, Qaabkaas hadday tahay,
ku qabooba hadalkaas,

Qodda kale intii ahe, Qarannimo dhibaysoo,
markaan Qaranka sheegaba, Qabaliyo karaysana,
ha qaboobinee weli, qarxa oo fukada oo,
Qurub qurub u googo'a, Qaadir baan ka tuugee.



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk