Qabaliya u bururow, 02-08-2018

Dunidu waa hal Qaranoo, Hal Qabiilo weeyaan,
Qaadir baa abuurtoo, Webiyaal qulqulayiyo,
Hawo qaybta raaxada, Dabayluhu quluulaan,
Badweyntuna qaloombee, Daruuruhu qandoodaan,

Ogsijiinta Qiiq iyo, ka nadiifa Qashin buu,
Qaadir ina dhex keenoo, yiri qaata amarkoo,
Midnimada quweeyoo, is qiimeeya gebigiin,
anaa idin qalqaalino, baahidiinna qaabbili,
Cibaadoo quraatana, ka doonaa Qoddiinnaa,

kii qaata amarkaa, Janno qaaliyaan siin,
kii Qabweynin keenee, Shaydaan qafaashana,
Naar baan u Qoor qaban, 

Xaalkoo qarkaasoy, ka qasnayn Addoomaha, 
Qabaliya u bururow, Qaranku uu la liitee,
Qoys-qoys ka jecelow, Ilaahay ku soo qabay, Qalbigaagu  
-----------
Qoomkoo barwaaqaa, Dhulku uu qabooboo,
Raaxo ay qurquriyaan, kaan qaadan karin ee,
raba inay qarraabaan, Abaar lagu qalqaliyoo,
Faqri ay la qaylshaan, Tuugsina qaraabtaan,
lugu yeesho Qaan badan, kay qiima gelisow,
waxaad tahay Quluufiyo, Qanjir layska xooroo, 
Qashin iyo cadaawaa, 
-----------
Dadkoo Caafimaad qaba, Nabad wada qaxwaynaya,
kaan qaadan karin ee, raba inay qandhoodaan,
oo Xummadi qaaddiyo, Qaaxiya Ej ay fii,
oo Qufac ku waashaan, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa, 
-----------
Dawlad qiima badanoo, Quwad iyo midnimo loo,
Qaayaheeda loo bogo, kan qayb-qaybinaayee,
Qurub-qurub u gooyow, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,, 
-----------
Qaran sharaf leh oo weyn, Qiro iyo lixaad loo,
Nabad lagu qurquriyoo, qiimayso dunidoo,
Quruumuhu siyaarada, Fiisihiisa qaataan,

kaan qaadan karin ee, Qaabkaasi dhibayee,
raba Qoray rasaasliyo, Qaxa & wareerkiis,
Qalalaase joogtiyo, Qulubaa gaddoonkiyo,
Qarax iyo Bambaaniyo, Qumbulado la jecelow,
waxaad tahay Quluufiyo, Qanjir layska xooroo,
Qashin iyo cadaawaa, 
-----------
Qaran aan barjeynoo, Dadku miyir qabaanoo,
Qaylayn haweenkoo, Biilkooda qaataan,

kan Habaarka qaba ee, Qaabkaasi dhibayoo,
in la quudo raba iyo, Duqa oo qayilayoo,
sida Xoolo qaaq loo, Carruurtii qadaayaan,
Gaajo ay qallaxayaan, Marwadiina qaylee,
kay qiimo gelisee, Qoyskaa qaarribayoo,
Qafladaha la jecelow, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,
----------- 
hadduu Qaatil boodee, Qof miskiina uu dilo,
kani Qorayga qaatee, Qaatilkii dilaynine,
Qof miskiina oo kale, Qaatilkii wax dilay bay,
magacaa qabiiliyo, Qaafka uun wadaagaan,
nafta uga qibloodow, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa, 

Qaatilkii horeetiyo, Qaatilkaan dambeetiyo,
Odaygaa Quxuubkee, Qaladkaa ka raalliya,
marna aanan qabanayn, ee Qaxooti sababiyo,
Dakanaan qaboobayn, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,
-----------
kan kabaha qorsheeyoo, Farsamada ku qaabshoo,
Qaadirkeenna ka sekow, Qarfa naga badbaashiyo,
Qodax iyo Qaniinyaba, kan tumaal Qarfaystiyo,
ku tilmaamay Qaanfuur, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,
----------- 
kan caqligii la qaatoo, Quful uu ku jabanyoo,
Walaal qiima badanaa, shaqadiisi qaaligee,
Qaran horumarkiisaa, kan Qiimaha tiraayee,
Dembi uu ku qaadiyo, uga dhigay Qafaalkoo,
uga reebay Qayrkiis, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,
----------- 
Walaal Qiimo badan iyo, Walaasheenna Qaaliya,
Qur'aankeenna xafidoo, Qaaddirkooda caabbudda,

Quxuubkaa xaqirayee, Qolo-qolo ku riixoo,
waa Qabiila hoosee, ka qashaafa nugu yiri,
Qolqol iyo ku celinaya, meel aanay u qalmayn,
oo Murugo qaaddiyo, Tiiraanyo qarisiyo,
raba inay qandhoodaan, waxaad tahay Quluufiyo,
Qanjir layska xooroo, Qashin iyo cadaawaa,
---
Walaal qiimo badan oo, Dharka noo qiddadiyoo,
Aliindiga qorsheeyoo, Midab iyo Qasaal iyo,
ku qurxiya Caleemaha, Eyga quursanaayee,
Hawshaasi qaaliga, Qoon Ceeba uga dhigay,
waa Jaaji qabax iyo, Qaanfuur ku sheegow,
waxaad tahay Quluufiyo, Qanjir nugu dhex yaalloo,
Qashin iyo cadaawaa,  --- 

Qof kastoo qarribi oo, qarbudaaya noloshoon,
Qaladkaa ka joogsayn, oo Kibir is qaadoo,
Qoortiisa taagaya, Qiyaamihi hortiisana,
qaadanaynin Waanada, Ilaahay ku soo qabay,
Qalka laysku kaa taag, oo Qoorta lugu goo,
Qabuuraha laguu qaad, Naartii ka qaaqley.

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk