Qabaliyo caabudaay, 22-12-2018

Cawil Daahir Qaraxii, Qudhiisii galaaftiyo,
Geerida Qabaarkeed, ku qaraaxanaysaay,

in yaroo Qiimo liyo, dhawr qofoon ku jiroo,
markey Qubxigeediyo, Qabaliyada maqlaan,
Qandhanaysa mooyee, Soomaali Qulubeey,

Qalax waawareeyey, Qaadirkeedi inkirtee,
Qabaliyada caabudaay, 

Soomaali Qalawlaay, hadal Qiimo daran iyo,
Qofkeedoy xaqirtiyo, Qabaliyo u xiisaay,

sheekada la qaabshoon, waxna lagu qaadane,
layskana uun qubo, kama Qaan gaartaay,

Qaxa iyo halaaggiyo, uurada Qaraxiyo,
Qiiqeeda kaca iyo, Qasuumada ka heshaay,

Qax hadoodilanaay, Qaylada joogtiyo,
Qabaxdaa ku haysee, Qaaradaha adduunkaas,
sii qaloombinaysaay, 

Qasaarada ka heshaay, Qoodkii nabaddiyo,
Qayrka xaggiisana, loogaga quustaay,

Qabaliyo awgeed, waxan qiimo lahayn,
ilaa iyo Qiyaamihi, Qarannimo ku seegaay,

Shaydaan Qulublaay, Oday qiimo lahoo,
Nabad u qarrara oo, Qaaliya ka maraney, 

Bahal Qaaxa weynoo, is qalaay ku hayoo,
u qubeeya reer hebel, Qawlkiisu yahay iyo,
Qashin uu u talshaay,

Naa jufaysi waa Qurun, ku qaybqaybinaayee,
Qarannimada ku hagaag, markii aan ku qawlaba,

sow Qaadirkeennii, Qabiilan idinka dhigay,
kuma dhihin Qur'aankey, iila soo qufacee,

naa ha kala qaybine, aayaddu qaybtay,
Qabar noogu waddaad, kala qaar jeexdee,

wuxuu Qawlku ahaa, Qabiilkaba micnihiis,
waa aqoonsi oo qura, ee Qiimo waxa loo,
lana qaabbilayaa, Qofkiinnii taqwo loo,
Qaadirkiisi ka cabsani,

adiguna Qabuuraha, isku qubaad mooddee,
naa hooy is qaboo, Qur'aankaa ilaahay,
qaado waanadiisaa, 

Soomaali Qasaay, Qayrkeed ka hartaay,
ciddu Qiimo la'aa, Qabiiliiste badanaa,
Quxuub feera weyn iyo, Qummayooyin badanaa,

bal Qaybaha bulshadiyo, Qooraanso yuutuub,
waxa Qaaqda hayoo, Qarannimo ha dhacdiyo,
Qabiilow kacadaas, la Qalaadahayaan,

Qabaliyo qurmuuney, Qaari' iga fogeysiyo,
Barfasoorro qaaliya,

Qurun ii dhaweysiyo, ina Qaaxa weynoo,
loo geliyey Qool Eey,

yaan Qabiil caabuddiyo, Quluub-xiran ahayn oon,
tuugo layl qaraabee, oo guryaha qufayiyo,
Qabiixyada ehelsaday,

Saqiirrada Qur goysaay, Agoomaha qixisaay,
Ruuxa kuu khushuucee, Qalbaddiisu marantahay,
Qalad iyo saxdaadaba, kugu qaadanaayaba,
Qaflad uun ku haysaay,

Alla Qiimo li'idaa, Qalalaaso badnidaa,
Qaar jeex ku laay oo, Beerkaasi lugu qabay,

bal maxay Qayrriyo, Qalaad ay kala yihin,
sow Qumman hooyiyo, Habaryaro Qaali iyo,
Qamar Ciise may dhalin!, 

bal muxuu Qurun iyo, Qurub-qurub u goyn iyo,
Qoys-qoys ku falaa, isagoo Qaran iyo,
Qaniimooyin badan iyo, Qaaradahaba helaa!,

aan soo qooloo, Qaafkayga xiree,
Qaadirow Ilaahow, Quwaddiisu badanow,
Quluubteenna rogow, Qoladaydan yar ee,
Soomaali Qasaa, Qulubaa geddiyaa,

Jihadii Qayrkiyo, Qoddiisii u jihey,
Qarannimo ku hagoo, Quluubtooda mideey,


AAMIIIIIIIN.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk