Qaatumo la'aan, 05-08-2013
Haddii uu qabiil Qiimo iyo, qaayo guranaayo,
Kufrigaa u qoodayn lahaa, kana qaloodeene, 
iyaguba waxay quursadeen, baad u qososhaane,
Qabyaalada naca waa Qubxiyo, Qaatumo la'aane,

Qurgooyiyo haddii Dhiig la qubo, lagu qaboobaayo,
Qarni rubuci waad soo waddeen, Waalid qalashoowe,
Qaxootiyo Qax baad kaga hesheen, Qaylo joogta ahe,
naca Qurunku waa Qaaxo iyo, Qaatumo la'aane,

(kunya kow wasiir qolo heshee, loogu qoray buugga,
kun wasiirna qoladii heshaa, qaylo dhalinayso,
Qarankeennu qaadiba ma karo, Qolo ku qawlaynin,)


Kunya kow Wasiir qolo heshee, loogu qoray buugga,
haddii kunka qolo loo qoray, aragto qaylayso,
oo dulmaa qarankii baaba'aa, qarax u raadsayso,

haddey kunka qoristiisa ay, Qarni dhammaynaynin,
juhala is qabiilaysatee, qaylo ka horrayso,
qaran kuma jiri karee ------
inan qaran ku noqonnaa sidaa, waa qisaan dhicine,
qarankiina lama tuuri karee,
inta qaran rabteen cudur qabiil, gelin qalfoofkooda,
----, qolada tuuryeeya
reer qabiilo habaar , qoobabkow geliya,
qabiiliiste habaar ----
qalbigiyo qalfoofkooda inuu, qaaddir , eebbe qulufeeyo,
oo qashinka lagu soo qubow, qiimi li'i yeelo,  qariyo muuqooda,


qarankeenna uma deyn karnoo,---------------,
quraankiyo ancaamkow aqriya, qawl halaga waayo,


kun wasiir qolaa qaadatoo, loogu qoray buugga,
kunya kow qol---------

kun wasiir haddey beel qabtoo, loogu qoro buugga,
kunya kow qol

 -- - -  waxaan uga qaloonaayo,
sow wasiirka magacay watiyo, tuugo qurun maaha?


Beerahiinni qoroy taagan iyo, waa qabuur furane,

dhurwaagii qabniyo qooxo baad, qabax wadaagtaane,
soo dhacyey war qaadkan cun iyo, qaylo orriskiinna,
u qabbaannid ceeb iyo qabuur, Qashin rug uu yaallo,
waydinkaa qafaal ugu jiriyo, Qoolki waxareede,
quudkiinnu waa qabaliyoo, qalate awlaade,
quus iyo wuxuu idin taraa, waa qabbaannimo e,
qaxar badan ka dheregtoo xurmiyo, aaste Qarankiiye,
naca qurunku waa qaaxo iyo, Qaatumo la'aane,

is bar qabta caanaha qubtaba, qayb un laga gaarye,

- geel baa la qaadiyo waxaad, tuugo qarisaaba,
- gabar baa la qaadiyo waxad, guurka qurmisaaba, ----
- fardo baa la qaadiyo waxaad, guluf qayaxisaaba, ----

* geel baa la qaado la gale, Geela wixii qaaday,
* cid galoo qalfoof dhaafe iyo, qurici qaaq dheere,
* cid galoo qabbire ciidankii, qaaday halahaagii,

qaalma rogad ayaa kuu yimiyo, qisad la yaabtaaye,

qof waliba wuxuu qaaddir dhaho, iigu quli weelka,
ayumbuu u qiimayni oo, qado u siiyaaye,

qaxootiga qolyaha qaabbishane, yuu enka khuseeya,
imtixaanki ay qaadayeen, been ku qarinaysey,
iyagoo qabbaankiyo ogaa, beentad qubinaysey,
wixii aad bitada qaafo iyo, qorraxda taagnaato,
waa la qaaday cali ciise oo, yuu enkibaa qaaday,
farxaddii qurbaan bixise oo, qashena awrtiiye,
qawlal weyne wiilkaad dirtee, qarash ku soo beeshay,
haddii uu qaniis maanta yahay, sow qaariban maaha?
sow wiilki qaran toosin lahaa, kaama qoran doonno?

qamar ciise jarmalkay gashaad, wada qushuucdeene,
naag kale haddii ay qabtee, belo u qooshayso,
sow taranki quus kama tihiin, quruxdi guurkiinna?

qawdhan ciise ruushkuu galaa, farax ku qooyaaye,
sow wiilki qaran toosin lahaa, kaama qoran doonno ?

qoyskeenni kanadey galeen, qurux u mooddeene,
qawmiyadi soomaaliyeed, sow ma qiro beelin ?

adoo qaaya loo diin islaam, qaatay oo qiraya,
quuruwayto ruux caabudaa, qiimo kaa banyahay,
sow adigu qiyaarkaa ma lumin ---------------,
ruuxaan qirayn Eebbahey, diiday Qanigiisa,
isagaa qasaarooyin qaba, naaru qarineehe,
inad qurux u haysaa la rabey, qani ka yeeshaaye,
naxaris inad u qabtoo, - - - - -----------------,
haddii uu isagi kuu qabaa, qaatay ----------,

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk