Nin Maqaayad, 15-12-2006
Maansadan oo soo baxday 15-12-2006 waxay ku saabsanayd nin askeri ahaa oo ku jirey dagaalkii balamballe ayaa naagtiisii kaxeeyey oo intuu maqaayad weyn geeyey buu hilib u dalbay dabadeedna raggii dhexdiisa hilibkii ugu yaryareeyey oo fargeeto afka ugu gelgeliyey iyadoo gacmaheedu u raaracaan miiskana u saaranyihiin, markaa baa nin ay deris ahaayeen ninkii si hoose ula hadlay kuna yiri: waar annagana naagaha ha nugu dirin adna hays qarribin oo haddaad berrito naafawdo oo ay labada gacmood kaa go'aan ma garato wuu kaa naafoobay ee afka iigu gur bay ku leedahay waana ku kala tegeysiin, markaa ayuu siiyey jawaabtan aan gabayga u beddeley gabaygan: 

Nin maqaayad Naag geystay ee, Hilib u noodnooday,
oo afkaa Nishaab ugu guroo, ugu nasteexeeyey, 
baa Nin kale ku yiri Naag ninkii, sidan u naashnaasha, 
waa tii nushuusawda oo, nacasnimaw moodda,

oo haddaad Gacmaha niiqantee, labadu naafawdo, 
caqligoodu waa Naaqus oo, Nuujin bay sugiye,
ha ku dirin raggana naagahoo, Nidar ha noo keenin, 
adna Nabadda hays dhaafin aad, maanta ku nashaaddo, 

Wuxu yiri Nagaadiga janniyo, Naallo may ahane,
mana wado Nasteexiyo wanaag, baabki Naxariise, 
Nambar baan sitaa oo Askeri, nooggan baan ahaye, 
Nawda Balambal yeeraysa ee, Galawgu naaleeyey,
inan Niyo rasaasta u riduu, qoray Nasiibkeeye,
 
Madfacaan ku sii niibanee, Holacu nuuraayo, 
Jawaabtii ka soo naasishee, Nacabku soo tuuro, 
Nafta inan ku waayaa dhacdoon, soona noqon waayo, 

ee Nabarka geerida markuu, Waaxid igu niibo, 
intuu Ubadka naanaabi lahaa, Nacabka guursaaya,
baan rabaa inay ii nudoo, nuuji ku tiraahdo,

dabadeed dalqada neefiyoo, Naado ugu tuuro,
oo ay nin dambe qabaninoy, Naafo ka ahaato, 
iina koriso nuunnahan dhaliyo, nuurka araggeyga,
 
aan u noqdo Caqliga naafacee, Naasir ina siiyey, ---
walaashiis ninkaa naarta iyo, Nacab la goobaaya,
ubadkuu nashaadka u rabee, Naasil kala roori,
iyadaaba naxariis u dheer, ugana Nuur roone,
haddii uuse caqli naaxiyiyo, duul u naxa waayey,
 
Nafaq iyo intuu god u qodaa, gabadhi Naalleeye,
muu walaashi Nadiiriyo ku dhaho, Nuurto cali diini,
haddii Naagtu saa yeesho ee, ubadku naanaabo,
la wareega oo naaxiyoo, iigu naxariista,
 
Soomalaay wanaaggeed nacaay, Nolosha diidayso, 
waxa uun la naaraayo ee, Nacabka loo loogi,
oo Nacas inuu guursadiyo, Neefka lala dooni,
waa Naaski aan nuugnay oon, kuna nibdaadeyney,
Nicmooley dadkii laga duwee, reebay Nabi aadan,
maxaa wada Nagaar iyo ka dhigay, Geed nugayl keliya?
--------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk