Nasteexoy bal qiimaha, 01-02-2018
Nasteexow bal qiimee, Nuurto Hooyo wacantaa,
Saynab Nabiga xubbigiis, dabci lagu nagaadoo,
Farxad iyo Nashaadiyo, Naxariista loo qiray,

Naanays xun weligeed, Nacas feera weyn iyo,
Neef aan wax garan iyo, Ruux u naadshey uu jirin,
Nuunkeedu Saynab yahay, Nabigeenna Muxammada,
Naxariista eebbiyo, Nabadgelyo la siigii,
Curaddiisa Nuurkiis, Saynab nuura oran jirey,
Magaceed ku nooc yahay.

ma ogtahay Nasteexoy, marka aad Nawaaxiga,
agaheeda Nuuxsee, inaad tahay Naruuriyo,
Neecaw carfaysiyo, Nalka ay iftiinsee.

Ma ogtahay Nasteexoy, Hooyo Nuura Saynaba,
Malabkay ku nooshahay, Nacnacaw dhedhemayiyo,
Nuunnaheeda inaad tahay?

Ma ogtahay Nasteexoy, Beerkeeda Nuguskaa, 
Nafta soonaheediyo, Barta ay ka neefsee,
Walax lagu nishaaboo, lagu nuday inaad tahay?

markaad niibantee aad, Nawaaxiga ka maqantahay,
Wadnaheeda Nugufta leh, Nawnawda uu hayo,
tolow weli ma nooshahay, Nasteexadi ay leedahoo, 
naxnaxayso ma ogtahay?

iska daa Nageyliyo, Nayroobi Kiinyiyo,
inaad Nayjar aaddee,

Adigoo Nillaay iyo, Negaradan Mallaygiyo,
Nuuro iyo amiiriyo, Najmo la aad joogtood,
Malaysia ku nooshahay, Nabarkaad ka maqantahay,
ways yaraha niibi oo, qarsanee Nabaalkee,
ma ogtahay Nasteexoy, Welwel inu nuxuusoo,
Nus daqiiqo gudaheed, Neerfaheedu uu kaco?  

Annagaan nafteennana, Nuunnoy walaasheen,
eeddadey Naley iyo, abtigey nin qaaliya,
loo nuuri qabrigee, noo dhaleen inaad tahay,
ma ogtahay Nasteexoy?

----------------------
Naaska gabadhay siisee,  nuujinaysey waagey

dunidaaba noocane,
marka aad ka niibtee,
soonahey ku nooshiyo,  otaakiin u nuuxsato,
---------------------


nimco = ayeydeed aabbahed dhashay waa cabsiiye m.cumara, dahabo qaley, cirbad barre


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk